Wasiir Xagla-toosiye Iyo Ciiddamo Taabacsan Oo Ku Hawlan Inay Buuhoodle La Wareegaan

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye) iyo Ciidan uu hogaaminayo ayaa kulaalaya magaaladda Buuhoodle, halkaas oo lagu wad saacadaha soo socda in uu dagaal ka dhici doono.
 
Wararka naga soo gaadhaya guddaha Magaaladda Buuhoodle ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogani ka taagan yahay magaaladda Isla markaana ciidamada Xagla toosiye wayaa soo gaadheen duleedka magaaladda.
 
Illaa hada wax war ah Xukuumadda Somaliland kamay soo saarin duulaanka uu qaaday wasiir saleebaan Xagla toosiye, waxana muuqda in diyaar garaw balaadhan oo ay ku badhi taageerayso duulaankaasi ay siisay.
 
Xagla-toosiye ayaa lagu soo waramayaa in uu Nidar ku maray in uu Buuhoodle gacanta Somaliland soo galinayo, waxaanu weerarkiisa ku beegay Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan Buuhoodle, kaasoo uu doonayo in uu ku soo qabto.
 
 
 
Halka magaaladda gudaheeda qaarkood ay sheegayaan in ay haboonyahay in lagala hortago dagaaal inta aanu magaaladda Soo gaadhin, waxaanay kooxdaasi abaabulaysaa duulaan ka dhan ah xagla toosiye.
 
 xagle-toosiye
 
Berbera news./Hargeysa.