Wasiir Xaglo-toosiye  Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Buuhoodle

Hargeysa (Berbera news) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye),  Gaadiid iyo Odayaal uu dhinaca Hargeysa ka sii raacay ay goor-dhaweyd gaadheen Magaaladda Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Wasiir Xaglo-toosiye.
 
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiirku uu Buuhoodle gaadhsiiyay Baabuur Anplace ah oo uu ugu tallo-galay Dhakhtarka Magaaladaasi oo uu isagu dhisay xiligii uu ahaa Hoggaamiyaha Maleeshiyaddii SSC, waxaana intuu Wasiirku gaadhin Buuhoodle  oo uu ku sii nastay Degaanka Dan-dan oo wax yar u jirta Magaalada Buuhoodle ayaa waxa Magaalada Laga dereemayay Abaabul halkaas oo u ku sugnaa Cali khaliif Galaydh oo magaalada Shirar kula lahaa dadka taageersan kooxda uu hor joogaha ka yahay khaatumo,Sidoo kale wararkii ugu dabneeyay ee  Magaalada Buugoodle ayaa sheegaya inuu isna
 
 
Wasiirka Xaglo-toosiye ayaa waxa la sheegay in muddada uu halkaasi ku sugnaan-doono uu kulamo la yeelan-doona  Madaxdhaqameedka, qaybaha kala duwan ee Bulshadda iyo Dhalinyaradda ku dhaqan magaaladda Buuhoodle.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.