Gen. Cabdilfataax Al-Sisi Oo Sheegay In Ururka Ikhwaanu Muslimiin Uu jiri doono Haddii Taladda Masar Uu Ku Guulaysto

Hargeysa (Berbera news) Taliyihii hore ee Ciiddamadda  militeriga Dalka  Masar  ayaa sheegay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka aanu san sii jiri doonin haddii isaga loo doorto madaxweyne.
 
Gen. Cabdilfataax Al-Siisi, ayaa sheegay in dadka reer Masar ay diideen ururka Ikhwaanul Muslimiinka.
 
Waxa warka dad badan oo Masaari ahi ay Guuxeen uu ka sheegay  mar uu ka hadlayay TV-ga Qaran ee Dalka Masar wareysigii ugu horrey ee uu bixiyo tan iyo markii uu si rasmi ah isu soo sharaxay.
 
Al-Sisi, ayaa hoggaaminayay militeriga dalkaas markii xukunka laga tuurayay Maxamad Mursi bartamihii sanadkii hore.
 
Hal musharrax oo kaliye, ayaa la sheegayaa inuu  doorashada kula tartamayo Al-Sisi, waxaana la filayaa inuu  ka guulaysan doono,sida ay sheegayaan dadka u Dhuun Daloola Siyaasadda Masar.
 
Doorashada madaxweyne, ayaa dalkaas laga qaban doonaa muddo saddex toddobaad gudahood ah.
 
Al-Sisi, ayaa wasiirka difaaca u ahaa, Maxamed Mursi, madaxwaynihii Ikhwaanul Muslimiinka ka hor intii uusan xukunka ka tuurin.
 
                              General-Sisi
 
Berbera news/Hargeysa.