JAMHUURIYA: MARKALE IYO FALANQAYNTA 26-KA WASIIR EE XUKUUMADDA MADAXWEYNE SIILAANYO

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qormadan oo aannu ugu talogalnay in aannu ku soo qaadanno 26-ka wasiir ee xilalka haya, balse aanay ku jirin wasiir-ku-xigeennada iyo wasiirul-dawlayaasha, waxay noqon doontaa mid soo bandhigaysa xogo la xidhiidha wasiir walba.

Maanta iyo Wasiirka Madaxtooyada

Wasiir Xirsi

Qaybta 2aad

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada: Waxa uu saaxadda siyaasadda Somaliland ku biiray dabayaaqada sannadkii 2007, waqtigaas oo uu ka mid noqday Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee ku fashilmay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee laga guuray. Wax yar ka hor intii aan la kala dirin guddigii uu ka tirsanaa ayaa laga qaaday xilka guddoomiye-ku-xigeenka, kadib markii lixdii xubnood ee kale ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay xeer-hoosaadka iyo anshaxa Komishanka, maalmo dabadeedna waxa uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Doorashada oo uu u metelayey xisbiga KULMIYE oo xilligaas ahaa mucaarad adag.

Waxa uu si weyn u soo shaac-baxay oo hadal-hayntiisu aad u badatay markii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo la wareegay talada dalka bishii July ee sannadkii 2010kii oo uu u magacaabay xil aan hore Somaliland looga aqoon oo ah Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada, waxaannu noqday xubin aad u firfircoon oo xuurto ku qabsaday dhammaan hawlihii qasriga Madaxtooyada, waxaanay bulshada reer Somaliland aad isu weydiin jireen xilka iyo awoodo xad-dhaafa oo uu yeeshay xilligaas.

Ku sinnaan bishii July ee sannadkii 2011 oo Madaxweynuhu isku-shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiirrada waxa uu ku soo baxay xilka Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee uu hadda hayo.

Waxa lagu tilmaamaa wasiirka ugu awoodda badan, uguna firfircoon 26-ka wasiir ee xukuumadda KULMIYE ka kooban tahay xilligan. Inta badan rayul-caamka shacabka Somaliland waxay aaminsan yihiin inuu yahay baaruudda istaadha ee shookaanta u haysa siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku hoggaamiyo. Waxa kaloo lagu sifeeyaa ninka keliya ee Madaxweynuhu talooyinkiisa markasta u guuxo, kuna go’aan qaato. Sidoo kale, dad badan ayaa rumaysan in masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee xukuumadda intooda badan isagu wakiil uga yahay Madaxweynaha xataa wasiirro badan oo dhiggiisa ah, halka masuulka awaamiirtiisa u hoggaansami waayana la sheegay inuu olole xooggan u galo sidii xilka looga qaadi lahaa, waxana jira rag badan oo la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey erigooda.

Waa aftahan aad ugu badan saxaafadda, kuna caan-baxay faanka guulaha xukuumaddiisu ku tallaabsatay ee dhinaca waqabadka, balse waxa uu iska indho tiraa dhaliilaha mucaaradka oo aad u neceb u jeediyaan, kuwaasoo uu si adag isaga difaaco. Waa shaqsi xariif ku ah sida loola dagaallamo cid kastoo ay arrimo siyaasadeed amma shaqsi ahba isku qabtaan. Waa gaashaanka ugu adag ee Madaxweyne Siilaanyo u qaabilsan kala daadinta duufaannada mucaaradnimada ee soo hujuuma. Cid kasta oo shiddadooda xukuumaddu ka shakido waxa uu kala furfuristooda tabo iyo xeelado Ilaahay karti iyo hibo u siiyey oo isugu jira dhaqaale, qabyaalad iyo ballanqaadyo uu ku soo jiito cidda ay is-hayaan, inkastoo muddooyinkii u dambeeyey la sheegay in aanay isku saansaan bannaanayn xubnaha qoyska madaxweynaha oo wasiir Xirsi u haysta nin daf-daftiisa badan waxyeelo ku tahay sumcadda madaxweynaha.

Sannadkii u dambeeyey waxa uu gadh-wadeen firfircoon ka noqday qorshe xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u dejisay horumarinta jidadka dalka, kadib markii wasaaraddiisa la hoos keenay Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo hore u madaxbannaanayd, waxaannu guntiga u giijistay dhaqaale ururin xooggan oo uu u galay dhismaha jidka ugu dheer waddanka, uguna kharashka badan ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo Madaxweynuhu ballanqaaday dhismihiisa dabayaaqadii sannadkii hore, kaas oo dhowaan la bilaabay dhismaha wejigii 1aad.

Dadka dhaliilsan ayaa ku tilmaama masiibo Somaliland lagu soo dhex tuuray, bar madow iyo cambaar ku taal taariikhda hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halka kuwa aadka u taageersanna u yaqaanaan halyey Ilaahay dalka u soo diray oo u qalma inuu noqdo Madaxweynaha beddelaya oday Siilaanyo. Waa xubinta loogu hadal-haynta badan yahay 26-ka wasiir, had iyo jeerna isaga ayaa loo nisbeeyaa masuuliyadda khaladaadyada siyaasiga ah ee xukuumaddiisu gasho, maadaama uu yahay ninka labaad ugu awoodda badan hawlaha maamulka dalka.

Waxa lagu xantaa qabiili dadka kala xigtaysta, awoodaha xad-dhaafka ah ee Madaxweynuhu siiyeyna u adeegsada cadaadiska cid kastoo aan adeege fiican u noqon, dad fara badan oo beeshiisa ahna u sameeyey mashaariic naas-nuujin ah oo ay dhaqaale culus ka helaan.

Waxa kaloo lagu xidhiidhiyaa inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha islaamiyiinta ah ee reer galbeedku saska ka qabaan.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka aad dhaliila wasiir Xirsi ayaa ku dooda in awoodihiisa badan qayb laxaad leh ku leeyihiin ganacsade weyn oo ay qaraabo dhow yihiin, waxna soo baray, isla markaana gacanta ku hayey ka hor intii aannu saaxadda siyaasadda Somaliland magac ku yeelan.

Dhinaca kale, waxa jira aragtiyo kala duwan oo rumaysan inuu macaash dhaqaale oo badan ka helay mashruuc Madaxweyne Siilaanyo kelidii u wakiishay oo lagu soo xero-galiyey madax-dhaqameedyo iyo siyaasiyiin reer Sool iyo Awdal ah oo ka soo horjeeday qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo uu kulamo qorshahaas ku saabsan oo xukuumaddu dhaqaale xooggan ku bixisay kula soo yeeshay magaalada Boorama iyo dalka Jabuuti siyaasiyiin aaminsanaa fikirka Soomaali-weyn iyo wefti uu hoggaaminayey Garaad Jaamac Garaad Cali oo si weyn dhowaan loogu soo dhoweeyey caasimadda Hargeysa, kadib markii uu muddo dheer liddi ku ahaa qarannimada Somaliland.

Waxyaabaha sida gaarka loogu xasuusto muddadii uu garoonka siyaasadda ku jiray waxa ka mid ah; xadhig xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Rayaale kula kacday wax yar kadib markii uu iska casilay xubinnimada Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee hore, iyadoo xilligaas lagu eedeeyey abaabulka dagaal sokeeye iyo inuu baabuur qoryo ku saaray degaannada Gobolka Togdheer oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. ‘SANKA CAANO HA KA KEENIN!’ Waa weedh hal-hays noqotay oo Wasiir Xirsi dhowr bilood ka hor ugu maahmaahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku eedeeyey xukuumadda inay faragelin ku hayso golihiisa oo waqtigaas khilaaf culus ka dhex aloosnaa.

Dhinaca waxqabadka waxa uu aad u dhiirrigeliyaa, xil weynna iska saaraa arrimaha horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka Somaliland oo uu madax ka yahay. La soco wasiirrada xiga……

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.