“Sabab Aan Xilkay-gii U Gudan  Kari-waayay May Jirin, Laakiin Haddii Nin Kasta Shaqadiisa Lagu Ixtiraami-waayo Waxay Noqonaysaa In Sidda Basasha La Kala Fur-furmo”

Hargeysa (Berbera news ) Wasiir ku xigeenkii hore amniga Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland Cabdilaahi Abokor Aw- Cismaan ayaa sheegay in xil ka qaadistisii ay sabab u ahayd Khilaaf  dhinaca Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ka dhashay.
 
 
Cabdilaahi Abokor oo maanta Xilkii ku wareejiyay Guddoomiyihii Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cali (Cali-Gadheer) oo uu Todobaadkan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Xilkaasi ayaa waxa kale oo uu sheegay in haddii Masuulka lagu Ixtiraami-waayo  Xilka loo igmadday ay sababi karto in Nidaamka Dawladdanimo uu wiiqmo.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Sabab aan xilkay-gii u guddan kari waayay may jirin, laakiin waxa jiray Khilaaf ka yimid xaga Golaha-dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa sabab u ahayd inaan xilkan ka taggo, imikana waxaan dareemayaa ilaa maanta inuu arrinkaasi taagan-yahay” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenkii Amniga Cabdilaahi Abokor, waxaanu intaas ku daray  “Dalkan haddii la doonayo in Siyaasadiisu  xasiloonaato (Political stability) waxa loo baahan-yahay inay dadku si xor ah isku doortaan six or ahna isku maamulaan”
 
 
Cabdilaahi Abokor oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Haddii aan maanta taa laga waantoobin waxaynu nahay Qabiilo isku tagay, haddii  Nin kasta lagu Ixtiraami-waayo shaqadiisa, waxay noqonaysaa hadhow in sidda Basasha la kala fur-furmo, waxaan halkan uga soo jeedinayaa Xukuumaddii aan ka tirsanaa in la dhawro Xuquudda Muwaadinka Xurmadda leh ee Xisbiga u soo ha-lggamay ee mudan in aan laga door-bidin  maanta Nin Shilimaan la siisan karo.”
 
 
 
Cabdilaahi Abkor ayaa waxa uu ka mid ahaa Xubnaha  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsanaa ee ka soo jeedda Gobolka Saaxil, isaga oo lagu xusuusan-doona Dagaalo Siyaasadeed oo kala duwan oo Xukuumadda doorbidi-jitay inay uga fulaan Gobolka oo uu hor-mood ka ahaan jiray.
 
                      
11031
 
Berbera news/Hargeysa.