Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda  Caafimaadka Anwar Maxamed Cigge Oo Geeriyoodday.

Hargeysa (Berbera news) ALLE ha u naxariistee waxa Xalay Cusbitaalka Guudd ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday  Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland xilligii xukuumaddii Rayaale  Marxuum Anwar Maxamed Cige.
 
Marxuumka ayaa sida la sheegay xanuun kedis ah loo dhigay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu saacado ka dib ugu geeriyooday sida ay sheegeen Ehelladdiisu.
 
ALLE  ha u naxariistee Anwan Maxamed Cige, ayaa Haatan kamid ahaa Xubnaha ugu firfircoon ee Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, waxana ahaa xubin firfircoon oo in badan farta ku fiiqa Boogaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
Guud Ahaanba Bahda Berbera news Waxaa ay tacsi u dirayaan Shacabka reer somaliland gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadi uu ka baxay marxuumku. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
 
 
Berbera news/Hargeysa