Maraykanka Oo  Dalka Nigeria U Diraya  Ciiddamo Ka Qayb-qaata Samata-bixinta 270 Haween Ah Oo U Afdduu-ban Kooxdda Bokor Xaram

Hargeysa (Berbera news) Dawlada Maraykanka ayaa ciidamo isugu jira danbi baadhayaal iyo militari u diray dalka Nigeria si ay gacan uga siiyaan ciidamada Nigeria sidii loo soo badbaadin lahaa in ka badan 270 gabdhood oo ay afduubteen kooxda Boko Xaram.
 
Dawlada Nigeria ayaa caalamka ka codsatay in gacan laga siiyo sidii loo badbaadin lahaa gabdho gaadhaya 276 oo ay afduubteen kooxda mayilka adag ee Boko Xaraam.
 
Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in waxa ka dhacay dalka Nayjeeriya ay tahay wadne istaag iyo wax laga xumaado, waxaana ka qaybqaadanaynaa sidii gabdhahaas dib ay guryahoodi ugu soo laaban lahaayeen.
 
Obama ayaa sheegey in loo baahan yahay in caalamku u midoomo qaddiyadan oo uu ku tilmaamey wax aad u fool xun sida uu sheegey Telefishanka ABC.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.