“Xasan Sheekh Waa Nin Ku Cusub Saaxadda Siyaasadda, Dalkayaga Xuduudiisa Wax Ka Wediin-mayno” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa Madaxweynaha Somaliya  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa jawaab ka bixiyay hadal hore uga soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya Xasna Sheekh Maxamuud, kaas oo sheegay in uu ka qayb-qaatay ka bixitaankii Ciidamadda Qaranka Somaliland ee Degmadda Taleex.
 
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta khudbad sanadeeddkii u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka ayaa waxa uu Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay Masuul aan lahayn waayo-aragnomo  Siyasadeed .
 
Waxaana hadaladii Madaxweyneha Somaliland ka mid ahaa “Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan, waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo wixii dan-qaran loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla wadaagi jiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadalada idiinku jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.
 
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynahab Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud aanu lahayn waayo-aragnimo Siyaasadeedd, waxaanu yidhi “Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii tahniyada madaxtinimada aan ugu diray.
 
 
Madaxweyne Siilaanyo oo haddalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadal dunidu inoo golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaa ayaan leeyahaya. Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.