Al-Shabaab Oo Ka Haddashay Khilaafka Ka Dhex  Aloosan Baarlamaanka Iyo Madaxweeynaha Somalia

Muqdisho (Berbera news) Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horaysay ka hadadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-taagan xubno ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Madaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in khilaafkan uu yahay midkii aan ugu horreyn oo soo dhex-gala madaxda dowladda maqaar-saarka ah, isla markaana uusan noqonayn kii ugu dambeeyay.
 
“Annagu maba aqoonsanin dowladda la sheegayo, waxaan rumeysannahay in dadka lagu sheegayo inay mas’uuliyiinta dowladda yihiin lagu adeegto oo keliya, kii shaqadiisa lagu qanci waayana la iska bedelo,” ayuu yidhi Sheekh Cali Maxamed.
 
Sidoo kale, mas’uulkan Al-shabaab ka tirsan ayaa sheegay in khilaafkan uu sallka ku hayo kala riixashada kursiga, isagoo sheegay in dalka ay haystaa ciidamada ka socda dalalka Afrika, kuwaasna ay yihiin kuwa ay iyagu dagaalka kula jiraan.
 
“Dalka waxaa xoog ku haysta ciidamada Afrikaanka ah, innaguna kuwaas ayaan kula jirnaa dagaal. Raggan muranku u dhexeeyana waa kuwo awoodda kala riixanaya oo aan hadaf kale lahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray.
 
Al-shabaab ayaa dagaal kula jirtay dowladda Somalia muddo sannado ah, iyadoo isku dayday inay xukunka ka tuurto, balse ciidamada AMISOM oo caawinaya dowladda ayaa ku guulaystay inay Al-shabaab ka saaraan deegaanno badan oo ay ka talin jireen.
 
 
Berbera news/Hargeysa.