Macalin U Dhashay Dalka Kenya Oo Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacayo

Gaalkacayo (Berbera news) Nin hubaysan ayaa xalay magaalada Galkacyo ku dilay mid ka mid ah macalamiinta wax ka dhiga Machadyada gaarka loo-leeyahay ee magaaladaaasi ku yaaal.
 
Macalinkan oo lagu magacaabo Kenneth Mwanga oo ahaa 50 sano jir ayaa ka mid ahaa macalimiinta machadka Vision oo ku yaal magaalada Galkacyo waxa ka dhig-jiray.
 
Macalinkan ayaa lagu dilay xarunta machadka horteeda, weli lama soo qaban gacan ku dhiiglaha dilkaasia geystay.
 
Macallinkan Keenyaanka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu dilo magaalada Gaalkacyo, iyadoo dilkiisa uu imaanayo xilli Soomaali laga soo tarxiilay dalka Kenya la keenay Muqdisho.
 
Puntland oo kamid ah goobaha ugu xasiloon dalka Soomaaliya ayaa waxa ka shaqeeya macalimiin iyo dhakhaatiir badan oo ajaanib ah, waxaanay arrintani saamayn ku yeelanaysaa amaanka iyo xasiloonidda Gaalkacayo.
 
                          
 
Berbera news/Hargeysa.