Thailand: Maxkamadda Dastuuriga Oo Xilkii Ka Xayuubisay Raraysal-wasaarihii Dalkaasi

Bangkok (Berbera news)  Maxkamada Dastuuriga ah ee wadanka Thailand ayaa shalay soo saartay go’aan xilka lagaga xayuubiyay Raysal-wasaaraha Dalkaasi Yingluck Shinawatra iyo 9 ka mid ah Wasiirada Xukuumaddeedda.
 
Go’aankan ayaa daba socday dacwo ka dhan ah Raysal-wasaare Yingluck Shinwatra oo lagu eedeeyey inay ku takri-fashay awooda xafiiskeeda.
 
Haweenayda Raysal-wasaaraha ah ayaa lagu eedeeyey inay si khaldan xil wareejin ugu saaeysay mid kamid ahAgaasimayaasha dowlada Thailand.
 
Bilihii la soo dhaafay ayey magaalada Bangkok ee caasimada Thailand wax aka socdday mudaharaadyo lagaga soo hor-jeedo Xukuumadda Shinwatra.
 
Raysal-wasaare ku xigeenka Thailand Niwatthamrong Boonsongphaisan ayaa loo magacaabay Raysal-wasaaraha kumeel-gaardhka ah.
 
Xisbiga Shinwatra ayaa ka soo horjeestay go’aanka maxkamada,  waxaana lagu wadaa in taageerayaashooda maalinimada Sabtida ah banaanbax balaadhan ku dhigaan magaalada Bangkok.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.