Xildhibaanada Hormoodka Ka Mooshinka Is-casilaadda Ah Oo Qoraal U Gudbiyay Madaxweynaha Somalia

Muqdisho (Berbera news)  Xildhibaannada Baaramaanka Soomaaliya ee soo saaray dhawaan qoraalkii ay madaxweynaha kaga dalbanayeen inuu xilka ka dago ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbiyay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
 
Qoraalkan oo ay ku xusnaayeen 14-qodob oo la sheegay in madaxweynuhu uu ku guul-darreystay inuu wax ka qabto ayaa sheegay in sababta ay qoraalka ugu gudbiyeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay tahay sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen.
 
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof:  Jawaari iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay ka aqbaleen xildhibaannada qoraalka ay u gudbiyeen ayna dib u eegis ku sameyn doonaan, iyadoo mudanayaashu ay sheegeen in haddii uu madaxweynuhu qoraalkan jawaab ka bixin waayo ay qorshahooda u marayaan sida uu dastuurku qabo.
 
Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdisamad Xasan Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa labaduba sheegay in qoraalkan uu yahay kii ay soo saareen, balse uusan jirin mooshin ay weli madaxweynaha ka gudbiyeen.
 
Mudanayaashan ayaa waxay ka dalbadeen madaxweynaha dowladda Soomaaliya inuu xilka iska casilo, haddii kale ay mooshin ka geyn doonaan, inkastoo mar uu shalay arrintaan ka hadlay uu sheegay inuu soo dhaweynayo qof walba oo wax-tabasho ah qaba, uuna la fariisanayo.
 
Qaar ka mid ah xildhibaannadan ayaa waxay sheegeen inaysan go’aankooda ka laaban doonin, ayna madaxweynaha ku cadaadin doonaan inuu xilka ka dago, haddii uu xilka ka degi waayana ay u mari doonaan xil ka qaadistiisa sida uu qabo dastuurka.
 
 
 
Berbera news/Muqdisho.