Xildhibaanaddii Mooshinka Ku Wadday Madaxweynaha Somalia Oo  Mar Kale Ku Baaqay Inuu Is-casilo

Muqdisho (Berbera news)  Xildhibaannadii toddobaadkan Muqdisho ka soo saaray baaq ay madaxweynaha Soomaaliya kaga dalbanayaan inuu is-casilo ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan go’aankooda ah in madaxweynuhu uu xilka ka dago.
 
 
Mid ka mid ah xildhibaannadii baaqa soo saaray ayaa sheegay in go’aankooda uu yahay mid aysan dib uga laabanayn, madaxweynahana ay ka doonayaan inuu ku dhaqaaqo fulinta baaqooda, haddii kalena ay si sharci ah kaga qaadi doonaan.
 
“Waxaanu madaxweynaha ka doonaynaa inuu si sharaf leh xilka uga dago, haddii uu ku adkeysto inuusan xilka ka degin, innaguna sharciga ayaan la tiigsanaynaa, waxaana baarlamaanka ka geynaynaa mooshin,” ayuu yidhi xildhibaan San-yare oo ka mid ah xildhibaannadii baaqa soo saaray.
 
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in qorshahooda uusan ahayn mid ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha, balse markii ay arkeen xaalka uu dalku ku sugan yahay ay go’aankan qaateen, si dalka loogu doorto hoggaan cusub oo wax qaban kara.
 
“Madaxweynaha waxaan ugu baaqnay inuu iska nasto, haddii uu naso-diido taas waxay noqonaysaa inaan la kala nasan. Innagu go’aankeenna kama laabanayno, mana dhacayso in madaxweynaha iyo innagoo xildhibaanno ah aan sii wada-shaqeynno,” ayuu hadalkiisa raacisay xildhibaan San-yare.
 
Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in haddii madaxweynaha uu si fudud ku qaadan waayo hadalkooda ay dhacayso inay baarlamaanka isla yimaadaan, balse ay marka hore ugu baaqayaa inuu xilka ka tago, waayo isaga waa qof keliya waana lasoo doortay, balse innagu haddaan tagno dowlad nagama dambeynayso.
 
Madaxweynaha Soomaaliya oo si kooban shalay uga hadlay baaqa xildhibaannadu ay Muqdisho kasoo saareen intii uu maqnaa ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo ayna ka go’an tahay inuu la fadhiisto cid salba oo tabasho qabta.
 
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in ra’yiga uu noqdo mid wax dhisaya oo macno leh, isagoo sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la qiimeeyo howlaha dowladda ka hor inta aan la dhaliilin.
 
Hardanka siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqoday mid ay si weyn u hadal-hayaan shacabka Muqdisho iyo kuwa kale ee gobollada, iyadoo aan la ogeyn halka uu ku dameyn doono.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.