Hargeysa (Berbera news) Waxa goor-dhaweyd ay Ciiddamadda Boolisku Xisbiga u taxaabeen Guddoomiyihii Wargeyska madaxbanaan ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirhii Wargeyskaasi Axmed Cali Cigge.
Masuuliyiintan Xisbiga loo taxaabay ee Wargeyska Haatuf ayaa maanta loo balan-sanaa inay dacwadda loo haysto ay bilaaban-to Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo loo muddeeyay maanta, balse Ciiddamadda Booliska ayaa ku war-geliyay inay xidhan-yihiin, kuwaas oo Xisbiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa oo ay ku xidhnaan doonaan muddo Todobaad ah oo Rumaan ah.
Wargeyska Haatuf ayaa muddaddii aan la xayirin waxa uu baahiyay Fadeexad Musuq-maasuq oo uu faraha kula jiro Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wiil uu Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay oo lagu magacaabo Baashe Cawil Xaaji Cumar oo uu sheegay inuu awoodda ku leeyahay Hogaaminta taladda Dalka
Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ku sugnaa oo Dacwaddan dhibane ka ahaa Wasiirradda Arrimaha guddaha iyo Macdanta iyo Tamarta Cali Maxamed Waran-cadde, Xuseen Cabdil Ducaale iyo Wiilkan la xididka ah Qoyska Madaxweynaha.
Berbera news/Hargeysa.