Warbaahinta U Adeegta  Afkaarta  Madaxtooyadda Oo  Sawir Khaldan Ka Bixisay Musharaxnimadda Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera) Guddoomiyaha Xisbiga taaladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Todobaadkii hore shaaciyay hankiisa Siyaasadeed ee ku aadan Musharaxnimadda Xisbiga KULMIYE ee Madaxtinimadda Dalka.
 
Warbaahinta u adeegta Afkaarta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmahaasi kooban ee ka soo wareegay Shaacinta Musharaxnimadda Guddoomiye Muuse Biixi ayaa waxa ay bilaabeen tabinta warar  ay lid uga dhigayeen sidii ay Bulshadda Sawir khaldan uga siin lahaayeen Hanka Musharaxnimo ee Muuse Biixi Cabdi.
 
Warbaahintan ayaa ah kuwo u adeega Afkaarta Xukuumadda gaar ahaan Madaxtooyadda oo ay qaarkood  dhaqaale lagu siiro dhaleecaynta  Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta ay Xukuumaddu dhibsato  Mucaaridadooda.
 
 
Guddoomiye Muuse Biixi ayaa Musharaxnimadiisa uu shaaciyay waxay dareeno Siyaasadeed oo wajiyo kala duwan Xambaarsan ka dhex-dhalisay Goobaha lagu falaanqeeyo arrimaha Siyaasadda, waxaana maalmo ka dib  Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir  (Cukuse) uu sheegay in Madaxweyne Siillaanyo uu yahay Musharaxa Doorashadda Madaxtinimadda soo-socota, taas oo Dad badan oo daneeya Siyaasadda KULMIYE ay ku macneeyaan in Madaxweyne Siilaanyo afkiisa kala baqay inuu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa uu u soo dhex-marsadday Wasiir Cukuse.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.