Wasiirka Amniga Oo Sheegay  In Mooshinka Ay Xildhibaanaddu Ku Wadaan Madaxweynaha Somalia Aanu Ahayn Mid Sharci Ah

Muqdisho (Berbera news)  Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku sugan dalka Britain ayaa ka hadlay markii ugu horreysay baaqii ay ku soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka in madaxweynuhu uu xilka ka dago.
 
Mr.  Guuleed ayaa sheegay in xildhibaannada baaqa soo jeediyay aysan marin waddadii saxda ahaa ee loo baahnaa, isagoo ugu baaqay xildhibaannada in xil ka qaadista madaxweynaha ay u soo maraan sharciyada dalka u dagsan.
 
“Is-casilaadda madaxweynaha waa arrin dastuuri ah waxayna u baahan tahay in loo maro qodobbo adag oo aan sahlayn, runtiina madaxweynaha waa marjicii loo soo laabanayay, waxaase wanaagsan in wixii dhaliil ah la iska saxo,” ayuu yidhi Guuleed.
 
Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in baarlamaanka Somalia looga baahan yahay inay fursad siiyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama ay haystaan waqti kooban howlo badanna la qabtay.
 
“Baarlamaanka Soomaaliya ee sharafta leh waxaan ka codsanaynaa in xukuumadda la siiyo fursad, maxaa yeelay shalay iyaga ayaa doortay, xilligii shaqo ee ay siiyeenna qayb ka mid ah ayaa dhiman; waxaana rumeysannahay in dowladdu ay ku guuleysatay in howlo badan ay qabatay muddadii ay shaqeynaysay, xilliga u harsanna ay shaqo u harsan ku qaban karto,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
 
 
Berbera news/Hargeysa.