Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodoga U Yahay Oo Dhibane Ka Ah Dacwadda Loo Xidhay Masuuliyiinta Haatuf Oo Ka Muquurtay Inuu Warbaahinta La Hadlo

Hargeysa  (Berbera news) Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ah Wiil u Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Sodog u yahay, isla-markaana qayb ka ah Dacwadda maanta  lagu wadday inay dhagaysigeedu ka bilaabmo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Guddoomiyaha Wargeysyadda Haatuf iyo Somalilandtimes Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifafatiraha  Wargeykaasi Axmed Cali Cigge loo xidhay, iyadda oo aan si rasmi ah loo guddo-gelin Dacwadaasi ayaa markii uu Maxkamadda ka soo baxay ay Warbaahinta oo hor-taagnayad Maxkamadda ay isku dayday inay wax ka weydiiso Dacwaddaasi uu dhibanaha ka yahay, balse ka muquurtay inuu wax faa-faahin ah bixiyo.
 
 
Mr. Baashe ayaa waxa uu Wargeyska Haatuf ka baahiyay warar uu saldhig uga dhigay inuu leeyahay awoodd aanu siinin Dasuurta qaranku oo uu si gaar ah u adeegsaddo awood fulineed oo la mid ta Masuuliyiinta Dawladda ka tirsan, iyadda oo Warbaahinta madaxbanaan iyo Siyaasiyiinta dhaliila hanaanka hogaamineed ee Xukuumadda KULMIYE ay ku eedeeyaan Xubin awoodd ku leh taladda dalka.
 
 Sidoo kale waxa Maxkamadda ku sugnaa oo Dacwaddan dhibaynayaal ka ahaa Wasiiradda macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Cali Maxamed Waran-cadde oo iyaguna uu Wargeysku ka baahiyay warar Musuq-maasuq, kuwaas oo u sheegay in uu Wargeyksa Haatuf ka baahiyay warar Shakhsi weerar ah.
 
 10322915_667730003295877_164309975_n
 
 
Berbera news/Hargeysa.