Xildhibaan Fu’aad Sheekh Maxamed Cabddale Oo Ka Tirsanaa Golaha Wakiiladda Oo Geeriyoodday

Hargeysa (Berbera news) ALLE ha u Naxariistee waxa Dalka Maraykanka ku geeriyoodday Marxuum Xildhibaan Fu’aad Sheekh Maxamed Cabdale oo katirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland.
 
 
Marxuumka ayaa u geeriyoodday Xanuun haleeyay, waxaanu ka mid ahaa Musharixiinti u tartamayay Doorashaddi Golaha Wakiiladda ee sanadkii 2005-kii ka dhacday dalka oo uu ka sharaxnaa Gobolka Saaxil, balse kama mid noqon Mudanayaashii ku soo baxay Codkii ay Bulshadda ka heleen.
 
 
Marxuumkan ayaa sanadkii 2012-kii ka mid noqday Golaha Wakiiladda ka dib markii 5 Xildhibaan oo ka soo xaadiri-waayay fadhiyaddi Golaha laga saaray, waxaanu soo badalay Axmed Maxamuud Beegsi oo ka soo baxay Xisbiga UCID.
 
 Photo: ilaahay Naxariistii Jano ha ka Waraabiyo Xildhibaan  Fu'aad Sh. Maxamuud Cabdule oo shalay geeriyooday,
 
 
Berbera news/Hargeysa.