Madax-dhaqameedkii Ka Yimi Muqdisho  Oo U Kicitimay Boorama Iyo Dareenaddii Ku Xeeran

Boorama  (Berbera news)  Cuqaashii Todobaaddkii hore ka yimid Magaaladda Muqdisho ee soo gaadhay  Hargeysa ayaa maanta u kiciyimay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awddal.
 
 
Madaxdhaqameedkan ayaa imaatinkooda waxa dareeno kala duwan ka bixiyay Shacabka, Axsaabta Siyaasadda iyo Madasha wadda-tashiga iyo toosnita qaranka, kuwaas oo sheegay inay Xukuumaddu cadayso sababaha ay waddanka u yimaadee, waxaana wararka  ay Shabakadda Berbera news ay ka helayso Magaaladda Boorama ay sheegayaan in ay kulamo la qaateen Cuqaasha Gobolka Awddal, isla-markaana ay galabta dib ugu soo laabanayaan inay dib ugu soo noqdaan Caasimadda Hargeysa.
 
 
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isagu todobaadkii hore waxa uu sheegay mar uu warbaahinta la hadlay in imaatinka cuqaashani uu salka ku hayao sidii ay u waxga uga baran lahaayeen Nabadda iyo Xasiloonaddida ka jirta  Somaliland.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.