Mooshin Ka Dhan Ah Wasiirka Arrimaha Guddaha Somalia Oo Baarlamaanka La Soo Dhigay

Muqdisho (Berbera news) Waxaa maanta Baarlamaanka Somalia lagu soo bandhigay mooshin ay soo diyaariyeen xildhibaano badan oo codsanaya in xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdillahi Goodax Barre.
 
Mooshinkan ayaa waxa la sheegay inay ku saxeecan-yihiin 62 xildhibaan kuwaasi oo maanta qoraalkooda u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka.
 
Mooshinkan ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay xildhibaanada ka doodaan
 
Waxaa hore u jiray codsi ka yimid qaar kamid ah Xildhibaanada oo codsaday inuu xilka iska casilo Madaxweynaha.
 
 
Xildhibaanada ayaa horer si weyn u dhaliilay qaar kamid ah Wasiirada Federaalka oo uu ku jiray Wasiirka Amniga Cabdikarim Guleed wallow aan isaga weli laga soo gudbin si rasmi ah wax mooshin ah.
 
Dhinaca kale waxaa maanta lagu waday in xildhibaanada ay cod u qaadaan heshiiskii ay dowlada la gashay shirkada laga leeyahay Turkiga ee FAVORI, kadib markii ay soo xaadiri waayeen kooramka Baarlamaanka.
 
 
 
goodax090414
Berbera news/ Muqdiso