Muun-gaab Oo Soo Abaabulay Banaa-baxyo Lagu Taageerayo Madaxweynaha Culayska Siyaasadeed Kaga  Socdo Baarlamaanka Somalia

Muqdisho (Berbera news)  Garoonka ciyaaraha ee Koonis ee ku yaal magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta lagu qabtay isu soo bax lagu taageerayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo cadaasi  kaga socdo Baarlamaanka.
 
Banaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa baaqii dhawaan kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku baaqay inuu xilka iska casilo Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab)  oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in baaqa Xildhibaanada uu keeni karo in amniga dalka faraha ka baxo, waa sida uu hadalka u dhigayee.
 
Muungaab oo sanadkan qabtay xilka Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa kamid ah xubnaha sida weyn ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Maaha markii ugu horaysay oo banaanbax noocaan ah ka dhaco Muqdisho, iyadoo sanadkii hore 2013 banaanbax ka dhacay Muqdisho si weyn loogu dhaliilay Xildhibaano mooshin ka keenay Xukuumadii xiligaasi jirtay.
 
Xiligaasi ayey taageerayaasha Madaxweynaha ku tilmaameen Xildhibaanada mooshinka keenay inay lamid yihiin kuwo khal-khal Siyaasadeed ka wadda Somaliya.
 

 
Berbera news/Muqdisho.