Wasiiro Xukuumadda Ka Tiran Oo Wadda-haddal La Yeeshay Garaad  Taabacsan Maamulka Puntland

Hargeysa (Berbera news) Wasiiradda Madaxtooyadda Somaliland  Xirsi Cali  Xaaji Xasan iyo Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha  Cali Siciid Raygal ayaa Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool kulan kula soo yeeshay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Garaadka guud ee Beesha Ugaadh-yahan Dhulbahante, waxaana la sheegay inay ka wadda-hadleen sidii uu qayb uga noqon-lahaa soo xero-gelinta Xukuumaddu ugu jirto Garadda ka soo jeedda Gobolka Sool , iyadda oo dhawaana Magaaladda Hargeysa uu yimid Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ahaa Xubnanaha  Kooxdda Khaatumo dhidibadda u taagay.
 
 
Ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in Wasiirddan ayaa safarkii ay ku gaadheen bariga Somaliland ay wadda-hadalo la yeesheen Garaad Saleebaan oo ka mid ah Isimadda ka soo jeedda Gobolka Sool ee taabacsan Maamulka Puntland, kaas oo Xiligii taladda Puntland uu ahay Cabdiraxmaan Faroole ka mid ahaa Cuqaasha taageeradda u muujin-jiray Maamulkii Faroole, isla-markaana ka mid ahaa Xubnihii qabn-qaabiyay Shirkii lagu yagleelay Khaatumo ee sanadkii 2011-kii ka dhacay Degmadda Taleex.
 
 
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhaqaale ku bixisnaysa soo xer-gelinta Garaadda ka soo jeedda Gobolka Sool si ay u badlaan fikirka ay kaga soo hor-jeedaan qaadiyadda Somaliland.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa