Cuqaal Sheegay Inay Soo Dhaweynayaan Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo  Soo Dhex-marsadday Wasiir Cukuse

Hargeysa (Berbera news) Xubno Madaxdhaqameed ah oo lagu sheegay inay ka soo jeedaan Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Musharaxnimadda Madaxtinimadda ee Madaxweyne Siilaanyo Todobaadkii hore soo dhex-marsadday Wasiirkiisa Warfaafinta Cabdilahai Maxamed Daahir (Cukuse).
 
Xubnahan ayaa warkoodda laga tabiyay Telefishanka Bulshadda inteedda badani u taqaano TV-ga qaranka iyo Wargeyska ku hadla Afka Xukuumadda ee DAWAN oo   maanta soo daabacay Warkaasi, kuwaas oo sheegay inay  Cuqaal ahaan soo dhaweynayaan Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo ugu taagan-tahay Hoggaaminta taladda dalka.
 
Cuqaashan ayaa sidoo kale u muuq-dday kuwo lagu soo abaabulay Mashruuca Waji ku macaasha oo ah Barnaamij ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dhaxashay Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo ku tiiraabayay weedho ay Taageero ugu muujiynayaan Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu afkiisa ka sheegin inuu u yahay Musharax mar kale u taagan Madaxtinimadda dalka,  balse Todobaadkii hore ayaa Wasiirkiisa Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Madaxweynu u taagan-yahay Madaxtnimadda Somaliland, waxaana dad badan oo arrimaha Siyaasadda falaanqeeyaa ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay hadalkan taageeraddu ku labaan-tahay ee  ka soo yeedhay Xubnahan Cuqaasha ah.
 
 

 
Berbera news/Hargeysa.