“Odayaasha Muqdisho Ka Soo Kicitimay, Waxay Ku yYimaaddeen Martiqaad Qarsoodi Ah Oo Ay Ka Heleen Xukuumadda Siilaanyo” Muj:Cali Guray

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiya ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo  muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ujeeddada ay dalka u yimaadeen odayaal dhaqameedka Muqdisho ka soo kictimay ay sababteedda leedahay Xukuumadda Madaxweyne Sillaanyo.
 
 
Mujaahid Cali-guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu leyahay Boga ay Bulshaddu ku xidhiidho ee Facebook.
 
Waxaanu Qoraalkiisu u dhigna sidan :-  “Odayaasha Hawiye ee ka soo kicitimay Muqdisho waxay ku yimaadeen martiqaad qarsoodi ah oo ay ka heleen xukuumadda Silanyo ee aan wada socon ee kala socota. Shakhsi ahaan waxa martiqaadka u diray wasiirka aan ka dhex muuqan sheekada ee Madaxtooyada oo isagu ah ninka hogaamiya ama keligii ku metela Somaliland waxa loogu yeedho ” WADA HADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA”. Inta badan Wasiirka Arimaha Dibaddu ama ha ahaado Dr Maxamed Biixi ama kii ka horeeyay ee Dr Maxamed Cabdillahi eh wada hadalada muhiimka ihi maaha kan iyagu ay ka qayb galaan ee miiska dushiisa ee waxa ka muhiimsan wada hadalada qarsoodiga ah ee miiska hoostiisa oo iyagu ah wada hadalada rasmiga ah ee uu hogaamiyo, dhinaca Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada oo mar walba isagu ka mid ah waftiga Somaliland ahna hogaamiyaha dhabta ah ee weftiga isagoo ah kan marba cidii uu doonayo xubnaha waftiga u soo xusha adeerkiina saxiixa ugu taago.
 
 
Sidaa daraadeed, waxa aynu odhan karnaa wada hadalada Somaliland iyo Somalia waa ” Mashruuc Xirsi” oo gebi ahaan ba aan wax nuxur ah lahayn lakiin looga gol leeyahay in laga sameeyo lacag iyo in wiilku muujiyo in isagu yahay ninka ugu awoodda badan xukuumadda Silanyo ee suurto gelin kara wax kasta oo Somaliland looga baahan yahay hadii marka hore isaga si fiican loo af garto oo cad wayn loo dhiibo.
 
Si uu indhahooda iyo indhaha Turkiga wax u tuso lacag na uga sameeyo Dawladda Turkiga ayay tahay markan ujeedada ugu muhiimsan ee odayaasha Hawiye meesha u marayaan. Dhinaca Somaliland way jiri karaan salaadiin iyo hogaamiye dhaqameedyo si gaar ah uu Xirsi gaab dhabarka u taabtay kis tooda na loo laabay si arinka odayaasha ay iyagu gacanta ugu hayaan,
 
Hadaba ma marka ay tahay ta dhaqanka mise marka ay tahay tan shirqoolka Mashruuca Xirsi Gaab ee wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee dawladda Turkigu maalgelinayso. Xagga dhaqanka anigu waxan taaganahay odayda Hawiye marka ugu horaysa waa inoo marti oo waxay joogaan gurigeena in laga yeelo sidii GOB IYO CAADKEED ayaan qabaa, haba jirto in ay yihiin marti goor xun socota eh. Lakiin tan mashruuca shirqoolka Somaliland iyo lacag urursiga Xirsi Gaab waa in laga tashadaa. Maxa qasab ka dhigay Xirsi oo aynu ognahay in aanu aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaan midna ahayn qofkii haboonaa inu isagu keligii ka tarjumo rabitaanka shacbiga Somaliland oo weli ba si qaldan uga tarjumo isaga oon lahayn dan dhaafsiisan hungurigiisa oo u jeeda keliya in uu lacag ka sameeyo mashruuca ay Dawladda Turkigu maalgeliso ee Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia ee gebi ahaan ba ah I JIID AAN KU JIIDO EH.
 
Haddaba, Wasiirka Arimaha Dibadu hadii uu shaqadiisa u madax banaan yahay waa in aanu Xirsi Gaab ka mid noqon ee uu dibadda ka dhigaa waftiga ay tahay inu isagu hogaamiyo xubnaha waftiga na waa in isaga oo madaxwaynaha kala tashanaya uu soo xulaa hadii ba ay wadahadal daasi yihiin inay sii socon karaan.Hadii kale isaga laftiisa ayaaba ah rakaabka Xirsi Gaab.”
 

 
 
 
 Berbera news/Hargeysa.