Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac  sababay Oo Ka Dhacay Baydhabo

Baydhabo (Berbera news) Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay qarax culus oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu tilmaansaday nin madax ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee saddexda gobol.
 
Afhayeenka Booliska Bayhdabo Maxamed Macalin Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday gaadhi Toyota ah oo sideay madax ka tirsan Koonfur Galbeed. Afhayeenka ayaa sheegay in sarkaalka la doonaayay in la khaarijiyo uu ka badbaadey weerarka. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ninka la bartilmaameedasday uu yahay Cabdifataax Geesey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed ee maamulka saddexda gobol. Cabdifataax geesey ayaa horeyeu ahaan jirey Guddoomiyaha Gobolka Baay.
 
Nin ku sugnaa oo goobta qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay dad badan oo dhaawac qaba iyo kuwo dhintay,  mana jirto cid weli sheegatey inay weerarkan ka masuul in yihiin weerarkan.
 
Magaalada Baydhabo waxaa amaankeeda gacanta ku haya ciidamada AMISOM oo u badan kuwa ka socda dalka Itoobiya.
 
Baydhabo waxa ku wada sugan laba maamul oo labaduba sheeganayaan in ay masuul ka yihiin maamulka Koonfur Galbeed, waxaase ay ku kala duwan yihiin mid waxa uu sheegan 6 gobol halka kan kalena uu sheeganayo saddex gobol, waxaa jirta waan waan labada qolo laga dhexwado oo la doonayo in hal maamul laga dhigo taas oo aan weli lagu guuleysan.
 
 
Berbera news/Hargeysa.