Dawladda Turkiga  Oo Sheegtay Inay Somalia Ku Caawinayaan Dhaqaale Lagu Taageero Baanka Dhexe.

Hargeysa (Berbera news)  Wasiirka arrimaha dibadda waddanka Turkiga  Axmed Davutoglu ayaa sheegay in Bangi la’anta ka jirta Soomaaliya aanay uu Turkiga lacago ah siiyo xukuumadda Soomaaliya.
 
“Somalia hab baan ah oo shaqeeya ma laha,” ayuu yidhi Oogle, oo intaas ku daray in dowladdiisu ay siisay xukuumadda Somalia lacag dhan 4.5-milyan oo dollarka Maraykanka lixdii bilood ee ugu dambeeysay sannadkii hore ee 2013-ka. Isagoo intaas ku daray in lacagtan ay dowladda ka caawinayso bixinta kharashaadka miisaaniyadda.
 
Mr.  Davutoglu  ayaa hadalkan uga jawaabayay hadal ay soo saareen xubno ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan soo saaray war ay ku sheegayaan in Soomaaliya aan la siin lacago caddaan ah.
 
“Lacagaha gargaarka ah ee aan siinno Somalia waxaa si toos ah gacanta loogu geliyaa dowladda Soomaaliya innagoo sii marinna safaaradda aan Soomaaliya ku leennahay,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
 
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in lacagaha lagu caawinayo Soomaaliya ay si toos ah uga baxaan bangiga Turkiga ayna ku dhacaan sanduuqa ay dowladda Somalia ku leedahay bankiga dhexe ee Soomaaliya, lana helo xisaabaadka ku saabsan halka sida lacagtaas ay ku baxday, balse taasi hadda ma jirto.
 
“Deeqda lacageed ee aan Soomaaliya siinno waxaan ku bixinnaa qoraal ay soo saxeexeen wasiirka arrimaha gudaha, kan maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena xukuumadda Soomaaliya waxay soo gudbisaa qoraal caddeyn u ah sida lacagaha lagu bixiyo,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
 
Ugu dambayn, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in safaaradda  Turkiga ee Soomaaliya si aad ah loo sugo ammaankeeda, isagoo xusay inay si wadajir ah ilaalo uga hayaan ciidammo ka tirsan booliiska Turkiga iyo ciidammo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.
 
Dowladda Turkiga ayaa ah dalka keliya ee lacagaha caddaanka ah ku caawiya dowladda Soomaaliya, sidoo kale Turkigu wuxuu ka wadaa Muqdisho howlo uu dib ugu dayactirayo jidadka Muqdisho oo aan muddo 20-sano ka badan aan wax dayactir ah lagu sameyn.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.