Al-Shabaab Oo  Dil Ku Fulisay Nin Ay Ku Eedeeyeen Falal Basaasnimo

 Baraawe (Berbera news)  Kooxdda Al-Shabaab ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa meel fagaare ah ku toogtey nin ay ku eedeeyeen in uu yahay Basaas la shqeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya
 
Ninka dhalinyarada ah ee la toogtay ayaa lagu magacaabaa Cabdixamiid Sheekh Maxamed Xuseen,  waxaanay da’diisu ahayd  21 jir.
 
 
Maxkamadda al-Shabaab ay ku leedahay Magaaladda Baraawe ayaa sheegtay in ninkani uu qirtay denbiga lagu soo oogey, isla markaana uu mutaystay xukun dil ah.
 
Marar bada ayaa goobo fagaare ah ayaa Ururka Al- Shabaab ay ku toogteen dhalinyaro Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin Basaasiin la shaqeeyas waxay ugu yeedheen cadowgooda.
 
 
Berbera News/Hargeysa.