“Cali Khaliif  Waa Reer  Laascaanood Maaha Reer Buuhoodle, Xaglo-toosiye-na Wax Wanaagsan-buu Qabanayaaye Ha La Daayo” Fu’aad Aadan Cadde.

Hargeysa (Berbera news)  La Taliyaha Goboladda bariga ee Madaxweynaha Somaliland Fu’aad Aadan Cadde ayaa Siyaasiga  Prof: Cali Calii Galaydh u soo jeediyo inuu ka shaqeeya horumarka iyo deganaashaha Gobolada bariga, gaar ahaan Magaaladda Buuhoodle.
 
Fu’aad Aadan Cadde oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Wasiirka Caafimaaddka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo maalmihii u dambeeyay safar ku jooga Magaaladda Buuhoodle uu waxyaabo badan oo adeegyadda Bulshadda ah uu ka hir-gelinayo Buuhoodle.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Cali Khaliif waa Reer  Laascaanood, maaha Reer Buuhoodle waa Nin weyn oo Siyaasi ah  muddo badan baanu isku arday ahayn hal  Class-buu iga horeeyay  Saaxiib-baanu naha Ceebi iga tagi-mayso, wuu amaanay baa lagu igu yidhi (Cali Khaliif ) Ninka la yidhaahdo Xaglo-toosiye waxa uu ku yidhi waa kaligaa-baaba soo noqday oo Dadkii wax u qabanaya. Cali inuu taladdaasi ku waddo baan aminsanahay”
 
 
Fu’aad Aadan Cadde waxa uu intaas ku dray “Muddo badan waxaan raadinayayh Xudun in Dugsi sare laga dhis, markii dambe si fiican-baa loo dhisay Dugsigii sare  ALLE ha u naxariistee Marxuum Xasan Daahir Af-qudhac (Madaxweyne ku xigeenkii hore,ee Puntland)  wuxuu isku dayay in aan la dhisin,” yidhi la taliyaha Madaxweynaha ee Goboladda bariga, waxaanu intaas ku daray “Hada-na qalabkii markii aanu Burco ka rar-nay Ciiddan Boolis ah-buu noo soo diray. Xasan wuxu ku soo dagay ALLE ha u naxariistee  Dugsigii la dhisay  waxaanu yidhi wax wanaagsan baad qabanaysaan. Xaglo-toosiye-na  wax wanaagsan buu qabanayaaye waxaan jeclaya in la daayo”
 
 
Berbera news/Hargeysa.