Dalka Talyaaniga oo Wadamada Yurub Ugu Hanjabay inuu Tahriibayaasha ku Fasixi Doono Haddii aan la Taageerin

Roma (Jam/Berberanews)-Dowlada Talyaaniga, ayaa dalalka ay xudduudaha leeyihiin ee Yurub ugu hanjabtay inay dadka tahriibayaasha ah u ogolaan doonto sidii ay u geli lahaayeen wadamada Yurub haddii aan dhaqaale lagu ka hortaga tahriibayaasha.

Wasiirka daakhiliga Talyaaniga iyo tahriibayaasha Yurub ku qulqulaya oo naftooda halis geliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Agelino Alfano oo la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in dalkiisu jabin doono sharciga u yaal dadka magangelyo doonka ah, tahriibayaashana u fasixi doono inay si xor ah ugu gudbaan dalalka Yurub haddii aan taageero dhalaale loo fidin dalkiisa.

“Waxaan u ogolaan doonaa inay u gudbaan dalalka kale, haddii kale ha na laga caawiyo dadkaas tahriibayaasha ah ee soo galaya Talyaaniga, kuwaasoo badankoodu qaxoonti ahaan u joogaya wadankayaga,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Talyaanigu.

Waxa kale oo wasiirku ka dalbaday dalalka Yurub inay farogelin ku sameeyaan wadanka Liibiya oo tahriibayaasha ugu badan ka gudbaan si loo joojiyo dadka qaxoontiga ah ee u gudbaya qaarada Yurub.

tahriibayaasha ku qulqulaya Qaaradda Yurub oo naftooda halis geliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaaniga, ayaa sidoo kale sheegay in tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 36 kun oo qof  gudaha u galeen dalkooda sannadkan 2014 oo qudha, kuwaasoo u kala dhashay Soomaaliya, Eratariya iyo Tuuniisiya, tiradaasoo la sheegay inay aad uga badan tahay dadka Talyaaniga galay sannadkii 2013.

Dhallinyaro aad u badan oo u dhashay dalka Somaliland, ayaa naftooda ku biimeeyey saxaraha iyo badweynta si ay ugu gudbaan dalka Talyaaniga, iyadoo  qof kasta oo tahriibe ah koox Magafe la yidhaah ka qaataan lacag ku dhaw ilaa $8 kun oo dollar, arrintaasoo sababtay in qoysas badan oo laga tahriibay xaraashaan dhul, guryo iyo wixii hanti ah ee ay leeyihiin si kooxda Magafe looga badbaadiyo awlaadooda ay gacanta ku hayaan, halka qaar kale oo aan wax hanti ah lahayna la dhibaatoodaan sidii ay lacagtaas u bixin lahaayeen.