“18 May Waxa Maanta God Madow Ku Xusaya Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo  U Xidhan Wiil Ka Mid Ah Qoyska Madaxweynaha” Muj. Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo muddooyinkii u dambeeyay safar ku jooga Magaaladda London ee Dalka Ingriiska ayaa sheegay in Guddoomiyaha Haatuf Media Group iyo Tifaftiraha Wargeykaasi ay u xidhan-yihiin Wiilka Madaxweyne Siilaany  Sodoga u yahay ee Baashi Cawil X. Cumar.
 
 
Cali-guray waxa uu sidaaasi ku sheegay Qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Boga ay Bulshaddu ku xidhiidho ee Facebook, ayaa waxa kale oo uua sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo  qaadhaankii Todobaadkii hore ay Wasiiro Xukuumadda ka tirsan soo jeediyeen in loo ururiyo Naafadda iyo Agsoomaha Ururkii SNM ay tahay kuwo aanay balan-qaad-yadoodaasi fulayn.
 
Waxaana hadaldiisii ka mid ahaa “Waxan la yaabay hadalada kuligood ba aan odhan karo waxay ahaayeen qiiro bilaash ah iyo is yeel yeel aan aniga xagayga wax micno ah ii yeelan karin ee madaxda ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Silanyo ay ka jeediyeen madal la yidhi waxa qaraamaad loogu ururinayay mujaahidiinta tawsta iyo tabaalaha la hoganaya gidaarada, gaar ahaan, kuwii ay dhaawacyada culculusi ka soo gaadheen dagaalkii hubaysnaa ey la galeen cidamadii Taliskii Siyaad Barre. Kharashka safarada madaxda iyo ka qosliyayaasha madxda ku baxa ee loogu kala diro daafaha dunida si ay uga qayb galaan xuska 18 May ayaa mudnaan lahaa in daryeel loogu sameeyo mujaahidiinta ay madaxdu ka hadleen . Ujeedada safarka mdaxda ee xiligan ayaa la og yahay inay ka tahay dalxiis, temeshle iyo tumasho keliya oo ay lacag badan oo ka mid ah cashuurta masaakiinta dan yarta ah laga qaadaa ay ku baxdo. Waxa ka daran inta noo heesa kharash lagu bixinayo.
 
Xukuumadda Silanyo intii ay jirtay laba mujaahid oo keliya oo labadu ba ay ka mid ahaayeen ragii ugu horeeyay ee SNM ka mid noqda ayaa xukuumadda Silanyo fooda mar geliyay wixii ku dhacay na isaga sheekayn mayno. Waa Maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yussuf Ducaalle. God madow na waxa maanta ku xusaya 18 May Muj. Yussuf Cabdi Gaboobe oo u xidhan wiilka yar ee la yidhaa Baashe Cawil oo ka tirsan qoyska madaxwayne Silanyo iyo Wasiirka Macdanta oo adeer uu u yahay. Xukuumadda Mujaahidka ee mujaahid-diidka ah waa looga dhaartay mujaahidiintii SNM iyagu na dan iyo muraad kama laha.
 
Sidaa daraadeed aniga oo mujaahidiinta ila aragtida ah afkooda ku hadlaya fariinta xuska 18 May aan halkan Madaxwayne Silaanyo uga dirayaa waxay tahay
 
BOGAYGA WARAN BAAD BADHEEDH KU JARTEE
BAGAAD II DISHOONAD II BIXIN.”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.