“Arrinta Kalshaale Ee Maanta Taagan, Waxaanu  Xukuumadda Ugu Baaqaynaa Inay Xaliso” Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe

Hargesa (Berbera news  ) Xog-hayaha Hidaha iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe ayaa ugu baaqay Xukuumada Siilaanyo,Oday Dhaqameedka reer Somaliland in ay si dag dag ah ay wax uga qabtaan sidii loo damin lahaa dhacdadii dilalka aar goosiga ahaa ee ka dhacday deegaanka Kalshaale.waxaana uu sheegay in aan maanta loo baahnayn in dilalkaasi noqdaan kuwo soo noqnoqda,maadaama ay hore u ahaayeen kuwo la damiyey.
 
Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa,  “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo dilalka isu aarka ah ee ka dhacay magaalada Kalshaale ee deegaanka Kalshaale,dilalkaasi oo aan ahayn maanta qaar loo baahan yahay,waxa weeyaan meeshaa dhibaatooyin baa hore uga dhacay,waa ay dhamaadeen muda ayaa aynu ka nasanay,fidmada maalin walba loo soo kicinaayo ee kolba qof ku dhimanaayo kakalana looga aarayo waxa weeyaan dhibaato laga yaabo in ay keento cawaaqib xumo”.
 
Xog-hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in aanay ka xisbi ahaan aanay donayn in ay colaadahaasi ay ka sii socdaan deenadaasi,waxaana uu ugu baaqay dhinacyada ishaya ee ay dhacdadu kala dhex martay ay sameeyaan sidii ay midiba midka kale ay u saamixi lahaa,kana wada shaqeeyaan nabada iyo jaarnimada ay xaqa isagu leeyihiin in ay wada noolaadan
 
“Anagu hadaanu nahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxaanu doonaynaa in dadka deegaankaasi ee Walaalaha ahi ay nabad ku wada noolaadaan,in beel waliba beesha kale ay ilaaliso wada noolaanshiyahooda iyo jiiraanimadooda waayo waxa weeye dadka iyaga ayaa isagu xiga oo labadii qof ee meel wada daganiba dadka kale iyaga ayaa iska xiga,markaa waxa weeyaan ilaa ay iyaga nabad galyadu ay ka soo godo cid kale oo iyaga nabad galyada u dhamayn kartaa ma jirto,markaa waxaanu kula talinaynaa dadkaas oo ah dad walaalo ah dad isku deegaan ah ee ay dhibaatadu kala gaadhay aanu ugu baaqaynaa in ay si walaal nima ah ay deegaanka ugu wada noolaadaan oo ay deeganka jiiraan wanaagsan ay ku nodaan,oo dhibattadana yareeyaan,waxaananu ka xisbi ahaan aanu dadkii halkaasi ku geeriyooday aanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen,waanan ka xunahay hadaanu nahay Xisbiga WADDANI,waxaanan rajaynaynaa in aan dhibaatadaasi mar labaad aanay soo noqonin,tana ay sida ugu wanaagsan ee wax u xalismaan ee walaalnimo,wadahadal ay ku dhamaato”Ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe.
 
Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe waxaa uu sida uu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee wada dagan deegaanka Kalshaale in aanay in aanay dhacdadaasi waxba u dhimin dadaalada ay dawladu mudooyinkii danbe ay ka wado Deegaanka Kalshaale,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka xisbi WADDANI ahaan ay si aada u soo dhawaynayaan una barbar istaagayaan waxii wanaagsan ee ay dawladu ku dhaqaaqdo ama cid kale oo muwaadin reer Somaliland ahi
 
“Waxaanu sida oo kale aanu ka codsanaynaa in aan dhibaatada halkaasi ka dhacday aanay waxba u dhimin dadaalada ay dawladu ka wado magaalada Buuhoodle,oo Wasiirkii Caafimaadka ayaa jooga Buubhoodle,wasiirkuna uu ku guulaysto arimaha uu halkaa u joogo,waayo anagu hadaanu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaanu si aad u soo dhawaynaynaa wixii wanaagsan ee ay dawladu ku dhaqaaqdo,waxaanan nahay qaar soo dhawaynaaya oo barbartaagan ee ay dawladu hirgalinayso ama ay cid kale oo reer Somaliland ahi ay hirgalinayso”Ayuu yidhi Xog-hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka ee Xisbia Mucaaradka ah ee WADDANI.
 
Xog-hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe waxaa sida oo kale uu baaq balaadhan u soo jeediyey Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Warancade iyo Madax dhaqameedka Somaliland in ay si dag dag ah ay uga hawl galaan sidii loo soo afjari alahaa dhacdaasi ka dhacday degaanka Kalshaale waxaana uu yidhi
 
“Arintaa kalshaale maanta ka taagan waxaan ugu baaqaynaa dawlada gaar ahaan wasiirka daakhiliga Madax dhaqameeda iyo Cid alaale iyo cidii kale ee ay Khusayo in ay hawshasi sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan xalinteeda iyo  so oaf-jarideedadaba oo aanay noqon mid sii jiitanta”
 
Gabagabadii waxaa uu Xog-hayahu uu hambalyo balaadhan u diray dhamaanba shacbiga reer Somaliland gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaaradka ah ee WADDANI munaasibada Xuska 18-Ka May awgeed,waxaana uu ugu baaqay dhamaanba Shacbiga reer Somaliland ee kunool gudo iyo dibada in ay si balaadhan uga qayb qaataan sidii ay u samayn lahaayeen isu soo bax balaadhan oo aynu beesha caalamka ku tusno,qadiyada gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland
 
“Arinta kale ee aan doonayo in aan halkan kaga hadlaa waxa weeye in aan halkan aan baaq uga diro dadweynaha ree Somaliland gudo iyo dibadba in aad loo xuso,oo laga dhigo mid ka weyn kuwii hore oo aduunyada tusta qadiyadeena iyo waxa aynu doonayno,xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI na waxaa uu meel kasta oo ay joogaan taageerayaashiisu in ay maalintaa si wanaagsan isagu soo baxaan,oo ay weyneeyaan kagana qayb galaan si muwaadinimo ah oo ah sidii ay horeba caanka ugu ahaayeena,waxaanan si balaadhan aan hambalyo ugu dirayaa dhamaanba shacbiga reer somliland gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Munaasibada 18-ka may awgeed “ayaa uu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe.
 
 
 

 
Berbera news/Hargeysa