Kenya Oo Dhaqaale Badan Ku Bixinaysa Hor-tagga Falalka Argagaxisadda

Nairobi  (Berbera news)   Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in lacag dhan 28-milyan oo doollar ah ay ku bixinayso la dagaallanka argagaxisada iyo ka-hor-taga weerarrada argagaxiso ee dalkeeda ka dhaca.
 
Mas’uuliyiin xukuumadda Kenya ka tirsan ayaa sheegay in lacagtaan ay ku howl-gali doonaan booliiska ka-hor-taga argigixisada si looga gaashaanto weerarro la mid ah kii Westgate Mall oo dalka Kenya mar kale ka dhaca.
 
Malaayiintaan doollar ee xukuumadda Kenya ay ku bixinayso sidii ay uga hortegi lahayd weerarrada ka dhaca dalkeeda ayaa imaanaysa xilli Maraykanka iyo UK ay ka digeen weerarro argigixiso lala beegsado hoteellada iyo goobaha ganacsi ee ku yaala Kenya, iyagoo muwadiniintooda uga digay inay u safraan Mombasa oo xudun u noqday weerarrada ka dhaca Kenya.
 
Kenya ayaa waxaa ka dhacay weerarro argagaxiso tan iyo markii ay ciidankeeda u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab oo Kenya ay ku eedeysay inay mas’uul ka ahaayeen afduubyo dalka Kenya loogu geystay shaqaalo shisheeye ah iyo dalxiisayaal.
 
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii sannadkii hore lagu qaaday suuqa ganacsi ee Westgate Mall, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 67-qof oo shacab iyo ciidammo isugu jiray.
 
Waa markii ugu horreysay oo dowladda Kenya ay ku dhawaaqdo inay lacagtaan ku bixinayso la dagaalanka argagaxisada, iyadoo dalka Kenya uu qaati ka taagan yahay weerarrada lala bartilmaameedsanayo goobaha muhiimka ah iyo meelaha ay shacabku ku badan yihiin.
 
 
Berbera news/Hargeysa.