Madaxweyne  Xasan Sheekh Oo La Kulmay Odayaal Dhaqameeyaddii Soo Xulay Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia + Sawiro

Muqdisho (Berbera news)  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyadda qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya.
 

Xasan Sheekh ayaa marka hore duubabka Soomaaliyeed uga warbixyay sababaha uu ugu yeeray isla markaana u sheegay in ujeeddada kulanku yahay ada-tashi, talo-bixin iyo hiigsiga mustaqbalka dalka. Isagoo yiri: “Codsi gaar ah oo aan wato ma jiro ee kala war-qaadasho iyo talo ayaan idin kugu yeedhay.”
 
Duubabka Soomaaliyeed ee kulanka la qaatay madaxweynaha ayaa waxay ballan-qaadeen inay dowladda si dhaw ula shaqeyn doonaan.
 
Madaxweynaha iyo odayaasha ayaa kawada hadlay qorshe xafiiska madaxweynuhu waday kaasoo ahaa in duubabka Soomaaliyeed loo qaado qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Afrika oo horay dagaallo u soo maray si waayo aragnimo looga soo qaato. Maadaama in ku dhow rubac qarni ay kasoo wareegatay burburkii dowladdii Soomaaliyeed marka la gaaro Janaayo 2015. Odayaasha Dhaqanka ayaa arrintaas si aad ah u soo dhaweeyay.
 
“Dowladdii aad soo dhisteen dhinaca siyaasadda iyo dhinacyo kaleba horumar weyn ayay ka sameysay, mashaakillo maalintii dowladdu aad dhiseyseen aanan jirin ayaa hadda jira. Waad og-tihiin Al-shabaab deegaanno badan ayaa laga saaray. Haddii Al-shabaab degmo am deegaan laga saaro mushkilad ayaa meesha ka imaaneysa, annagu waxaan dooneynaa in odayaasha dhaqanka in arrimahaas dowladda kala shaqeeyaan deegaannadaasna ka warqabaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
 
Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dowladda iyo dib-u-heshiisiinta, isagoo odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi gaar ah oo arrimahan kala shaqeeya xafiiskiisa.
 
 
Berber news.