Wasiirka  Ganacsiga Oo La Sheegay Inuu Xilkiisa Waayi-doono Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa la sheegay inuu waayi-doono Xilka Wasiirnimadda Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga oo uu Masuuliyadeedda hayay muddo gaadhaysa  Sanad iyo badh.
 
Ilo-xogogaal ah ayaa sheegayn in  Wasiirka Ganacsiga sababaha Madaxweynuhu xilka uga qaadayo ay ka mid tahay heshiisyo Maal-gashi oo uu Dalka dibadiisa kula soo galay Shirkaddo Ajaanib ah  si ay maal-gashi ugu sameeyaan Waddanka, taas oo tibaaxuhu intaas ku darayaan in aanu waxba ka ogaysiin Xubnaha Awoodda ku leh hogaaminta dalka.
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar  uu Culays Siyaasadeed kaga yimid dhinaca Madaxtooyadda, isaga oo ah Wasiirka keliya ee Xukuumadda ka tirsan ee sidda tooska ah ula safan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Xubno ka tirsan Xukuumaddu aanay jeclayn Hoggaamintiisa Siyaasadeed.
 
Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa xiligii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taladda qabatay waxa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda, balse muddo ka dib ayaa xilkaasi  laga qaaday loona badalay Wasaaradda Ganacsiga.
 
 
Berbera news/Hargeysa.