Xubin Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Oo U Dhago-nugul U Kacaamaynta Madaxtooyadda Oo Loo Magacaabay Maamulaha Haamaha Shiddaalka Berbera

Berbera (Berbera news) Saleebaan Siciid Cali uu ku magacwnaa Isuduwaha Diinta iyo Awqaafta Gobolka Saaxil ayaa loo magacaabay Maamulaha Haamaha Kayadka Shidaalka  Magaaladda Berbera, iyadda oo Xilkaasi laga qaaday Maxamuud Gahayr Ismaaciil oo muddo Sanad iyo badh ah hayay Xilkaasi.
 
 Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed  Cabdilaahi Cumar ayaa Xilkan u magacaaba Saleebaan Siciid  Cali, iyadda oo wararka maalmihii u dambeeyay  aanu helnay sheegayeen in xilkan loo mgacaabayo.
 
Saleebaan Siciid Cali ayaa ilaa Xukuumaddii Daahir Rayaale ku magacwnaa Isuduwaha Diinta iyo Awqaafta Gobolka  Saaxil, iyadda oo xiligii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taladda qabatay uu ka mid noqdday Xubnaha u dhago-nugul awaamiirta Xukuumadda, waxaanu hor-seed ka ahaa Xubinihii Maamulka Gobolka iyo Degmada la safnaa ee sidda weyn uga soo hor-jeedday  Shirkii Dan iyo Duco ee Beesha Gobolka  Saaxil ay ku qabsatay Deegaanka Dubur.
 
 
Bulshadda ku dhaqan Gobolka Saaxil ayaa Xubintan loo magacaabay  Maamulka Haamaha Shiddaalka Berbera ku sifeeyay inuu  Xilkaasi ku hantiyay u dhago-nuglaanta awaamiirta Madaxtooyadda, isaga oo Todobaad-kiiba afar maalmood ku sugnaadda Magaaladda Hargeysa, isla-markaana lagu arko Xarunta Madaxtooyadda iyo Munaasibaddaha lagu soo maamuuso Madaxweyne Siilaanyo oo uu ka dhex-muuqddo,
                               
  
Berbera news/Hargeysa.