”Siyaasadd Xumo Iyo Maamul Xumo Ayaa Ka Taagan Berbera” Gudomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Saaxil

Berbera (Berbera news)  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Marwo Roodda Axmed Yaasiin ayaa sheegtay inay Nidaam maamul xumo ay ka jirto Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxi u diyaar-garowga Munaasibadda  23-aad ee la soo noqoshadda gooni isu-taaga Qaranimadda Somaliland ee 18 May.
 
Roodda Axmed Yaasiin oo Warbaahinta kula hadashay Magaaladda Hargeysa ayaa, waxa hadaladeedii ka mid ahaa   ”Siyaasad xumo iyo Maamul xumo ayaa ka taagan Magaalada Berbera waxa loo diyaar garoobaya maalinta 18 may Waxay ahayd maadamo berberi magaalada ugu dhaqalaha badan tahay in dhaqdhaqaaqeedu cirka maro oo gobolada kale”
 
Waxaanay intaas ku dartay “18 May waxay inoogu jirtaa maal-maha ugu weyn ee Umadduhu samaystaan, maantana waxa ka jira Berbera dhaliilo badan  18 Mayna waxa noqotay wax ay Dalawddu isku cuno-duubto”
 
 
Berbera news/Hargeysa.