Al-Shabaab Oo Mar Kale Baaq Han-jabaadd Xambaarsan U Dirtay Kenya

Hargeysa (Berbera news) Ururka Al-shabaab ayaa hanjabaad u jeediyay mar kale dowladda Kenya oo ay ciidammo ka tirsan AMISOM kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo hanjabaaddan ay imaanayso xilli ay dalkaas ka jiraan falal ammaan-darro.
 
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Kenya markii ay Soomaaliya soo galaysay iyo markii duqaynta ay ka geysan jireen goobaha ay Al-shabaab maamusho ay ku faraxsanayd,  isagoo xusay inay dhankooda hadda ku faraxsan yihiin xasuuq uu sheegay inay ka geysanayaan Kenya.
 
“Markii aad dalkeenna soo galayseen oo aad duqaynayseen goobaha ay gacanta ku hayaan mujaahidiinta aad ayaad ugu faraxsanaydeen, anagu-na  hadda ayaan ku faraxsannahay dhibaatada ka dhacaysa dalkiinna.” ayuu Sheekh Cali Dheere ku yidhi hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.
 
Waxaanu hadalkiisa ku daray “Kenya haddii ay dhibaato ku hayso shacabkeenna innaguna waxaan dhibaataynaynaa kuwooda,  taas ha ogaadeen madaxda Kenya”.
 
 
Hajabaadda Al-shabaab ayaa yeedhay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Kenya ka dhaceen toddobaadyadii ugu dambeeyay qaraxyo khasaare nafeed geystay, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen laba qarax oo shalay ay ku dhinteen 13-qof, isla-markaana ay ku dhaawacmeen 80-qof oo kale.
 
 
Berbera news/Hargeysa.