“Cali Khaliif Iyo Kooxdiisa Waxaan U Arkaa  Kuwo Qas  Ka Wadda Deeganadda Buuhoodle” Wasiir  Xaglo-toosiye

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye)  oo maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu Todobaadd-yaddii u dambeeyay safar ku joogay Magaaladda Buuhoodle ayaa sheegay in aanu jirin wax kulan ah oo ay yeesheen Prof:  Cali Khaliif Galaydh oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, isla-markaana ka mid ah Hor-joogayaasha Khaatumo.
 
Wasiir Xaglo waxa kale oo uu Cali Khaliif ku tilmaamay in aanu diyaar u hayan Nabad iyo Horumar ka hir-gasha Deegaanadda Buuhoodle.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ”Waxaan si sharaf iyo qadarin leh aan ugu mahad celinayaa intiina ka qayb qaadatay soo dhawayntayda aad iyo aadbaanad u mahadsan-tihiin” ayuu yidhi Wasiirku
 
Wasiirka Caafimaddku waxa uu intaas ku daray “Wax kulan oo aanu yeelanay Cali Khaliif haba yaraatee ma jirto Cali Khaliif Iyo Kooxdiida ,waxaan u arkaa Koox Nabad-diid ah oo Qas  ka wada Deegamadaasi  Buuhoodle iyo kuwo kale oo Waddanka ka tirsan-ba” ayuu yidhi Wasiirku
 
Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye oo haddalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Dadwaynaha ku dhaqan Buuhoodla Nasiib-wanaag wax faa’ida ah kalamay Kulmin Ciidan iyo Ergo Tonina Buuhoodle kama tagin, Odayaashun-a waxa ay u sheegeen in uu Deegaanka ka baxo  (Cali Khaliif) oo uu ka tago. Anagu-na maanan Kulmin”ayuu ydhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.
 
 
Berbera news/Hargeysa.