Guddoomiyaha Gobola Maroodi-jeex Oo Bulshadda Hargeysa  Ugu Baaqay Inay Si Balaadhan Uga Qayb-qaataan Xuska 18 May

 Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji-jeeniyare)  oo maanta  Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay si balaadhan uga qayb-qaataan Xuska 23-guuradda 18 May oo beri ku began.
 
 
Waxaana hadaladii Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ka mid ahaa “Maanta waa 17-KII May, beri-na waa 18-kii May. Waxan leeyahay Shacabka si wayn uga qayb-qaataan Ciidamada Booliska waxan leeyahay kuwa dharka cad-cad iyo kuwa maryaha cascas iyo kuwa maryaha mad madaw Iyo kuwa indhaha fiiqfiqan hawsha laban laaba” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
 
Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray “Madaxwaynuhu waa uu ku mahadsany-ahay sida wanaag-san ee uu Munasibadan Qqaran  u qaban- qaabiyey Waftiyadda uu u dirayo Goboladda iyo kuwa debedda. Shacabka aan walalaha nahay ee Qurbaha waxan leeyahay waad Mahad-santihiin”
 
 
Berbera news/Hargeysa.