Maayirka Buuhoodle Oo Dilka Ka Cadhay Deegaanada Qori-lugud Ku Sifeeyay Mid Ay Ka Dambeeyaan Dad Cadow Ku Ah Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Maayirka degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf Nuur ayaa sheegay in dilalka ka dhacay Maygaale ay ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo cid cadow ku ah Somaliland ay fulisay, isla markaana doonaysa inay deegaanka nabada ka hana qaaday ay waxyeeleeyaan colaad hor lehna galiyaan dadka wallaaha ah ee halkaas kuwada dhaqan.
 
Maayarka oo u waramayay warbaahinta magaalada Buuhoodle, waxa uu sheegay inay tageen goobtii markii dambe wax ka dhaceen, halkaas oo uu sheegay inuu nina ku dhintay midna dhaawac khatar ah qaabana ka soo qaadeen, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Immika waxaanu ka nimi deegaankii  dilka dambe ka dhacay waxaanan halkaa ka soo qaadnay nin Meyd ah iyo nin aan waxba la noolayn qasaaruhuna hadda wuxuu marayaa laba dhimasho ah oo midiba dhinac yahay iyo ninkaa dhaawaca ah. Waxaa arrintu ka dhalatay dilka hore ee saaka (doraato), dhacay oo aanu u aragno inuu yahay mid siyaasadaysan oo cid cadaw ku ah deegaanka nabadiisa iyo wada noolaanshaha beelaha iyo ta guud ee Qarannimada Somalilandba inay ka dambeeyeen oo ay colaad horleh ka abuurayeen deegaanka,taasina dhacday intaa ka dibna dhinaca kalena galabta ayay dileen laba oday oo waayeel ah isla markaana  aan wax dagaal ah ku jirin oo waliba mid gurigiisa,ayaa lagu dilay midna meel tuulo ah ayaa lagu dilay.”
 
Maayarku waxa uu intaas ku daray “Waxaa jira gaadhi sarf ah oo xalay goor dambe magaalada ka baxay oo ay wateen niman dhawr ah isla markaana la sheegay inay saaka waabarigii ay joogeen deegaanka dilka hore ka dhacay,intaa ka dibna waxaa la sheegay inuu gaadhigaasi dhanka bariga u kacay oo uu wali ku maqan yahay. Immika waa la kala yaacay oo dadkii qoloba dhan ayay u carrartay waxaana la sheegay in galabta la gubay tuulo la yidhaahdo Qaydar oo ah halka ninka dhintay ee dambe lagu dilay,markaa dhan walba waxaa loo baahan yahay in gurmad laga galo sidii colaadda loo damin lahaa,waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay dabka dhigaan oo shaydaanka iska naaraan isla markaan dhan kastaana fidnada ka hor tago .”
 
 
Berbera news/Hargeysa