Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Boorama Iyo Xuska 18  May Oo Uu Shacabka Kala Qayb-galayo

Boorama (Berbera news)  Wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta gaadhay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awddal
 
Madaxweyne ku xigeenka oo weftigiisa ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Macdanta iyo tamarta iyo xubno kale oo Xukuumadda ka tirsan ayaa waxaa halkaa si weyn ugu soo dhaweeyey dadweynaha gobolka Awdal oo ay horkacayaan maamulka heer Gobol iyo heer Degmo, waxana ay maalinta berito dadweynaha Gobolkaasi kala qayb geli doonaan dabaal-degyada loo samaynayo munaasabadda xuska sanadguurada 23-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland ee 18-ka May.
 
Madaxweyne ku xigeenku ayaa intii aanu gaadhin Magaalada Boorame waxay ku hakadeen magaalooyinka Gebiley iyo Dilla oo ay dadweynaha deegaanadaasi ugu hambalyeeyeen munaasabadda 18-ka May oo maalinta berito laga xusi doono dalka guddihisa  iyo dibadiisaba.
 
Saylici
Berbera news/ Boorama.