Qiimaha Lagu Kala Iibsanayo  Astaanta Calanka Somaliland Ee Shacabku Ugu Dabaal-dagayaan Xuska 18 May Oo Kor U Kacay

Hargeysa (Berbera news)  Qiimaha Astaanta Calanka Somaliland ee Bulshadda ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ugu diyaar-garoobayso Xuska Sanad-guuradda 23-aad ee Munaasibadda 18 oo Beri ku bgan ayaa kor u kacay.
 
Shacabka ku dhaqan Magaalaa Hargysa ayaa suuqyada ka iibsanaya Calanka Somalilan oo ka samaysan Garamaan, Koofiyado iyo waxyaabo kal oo uu ku xardhan-yahay Calanku, kuwaas oo Kuyuu ugu jira goobaha lagu iibinayo oo ku yaala Suuq-yada Magaalada Hargeysa.
 
Mid ka mid ah Dadka iibsanayay Astaanka Calanka Somaliland ayaa Berbera news uga waramay dareenkiisa, waxaanu yidhi   “Waxaad arkaysaa in Dhalinyaro iyo Dad kale oo  badan oo is-kugu jira  Rag iyo Dumar-ba ay Kuyuu ugu jiraan Goobahaasi lagu iibinayo Calanka Waddankeena, waxaanan ku faraxsanahay inaan xusno 23-guuradda 18 May. Maalintan oo guud ahaan Shacabka Somaliland u ah Maalin qiimo badan, Qiimaha kasta oo Ganacstadda  iibinaysa Calanka ay noo soo bandhigeena waan ku iibsanayn”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.