Saax-dheer Ha Weerarin: Maanso Ka Digaysa In Lagu Duulo Taleex iyo Buuhoodle

Waxa ay baroordiiq iyo tacsi u tahay guuldarrada maalin walba ka dhacaysa deegaanka Sool iyo Buuhoodle. Maxay u dhimanayaan wiilashaydu? Labada dhinacba waa jidhkaygii. Waan u damqanayaa..
 
Tixdan magaceeda waxa la yidhaahdaa
Saax-dheer ha weerarin!
Taariikhda Curinta iyo tebinta 17kii Mey, 2014ka!
Hal-abuur Siciid Maxamuud Gahayr
Guddoomiyaha Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ERA
Xubin Ka Tirsan Naadiga Hal-abuurka iyo Qalinleyda SOMALI PEN
saedmgahair@hotmail,com
 
Ugu horreyn waxa aan ka xumahay warka sheegaya in weerar lagu qaaday deegaanka Saaxdheer, iyada oo loo dabbaal-degayo maalintii qarannimada Somaliland ee 18ka Mey. Ma in maalin loo kaadiyo ayaa la garan waayay? Mise waxa la doonayaa in damallada Sool, Sanaag iyo Cayn la nacsiiyo ciidanka Qaranka iyo nidaamka ay udub-dhexaadka, damalka iyo laf-dhabarta u yihiin? Ma ciidan ayaa lagu hantiyi Buuhoodle iyo Talex mise caqli iyo wada-hadal?
 
Waa maanso baaq iyo bayaan ah oo ku socota adeerradayda aan jecelehay ee reer Somaliland Md Cali Khaliif Galaydh, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Saleebaan Maxamed. Waa hal-door muwaaddiniin ah oo uu tebayo qaranka Somaliland, mar ay noqotana waxa aan filayaa in ay Hargeysa iman doonaan.
 
Waa bayaan nabadeed iyo soo-dhaweyn… Meerisyadeedi waa kuwan
 
 
Sadbuursamadii aad
Lixdankii ka siigteen
SOOL qaadan maysoo
Sacab aanad kaba mudan
SELEL kuuma tumaysoo
SANAAG-barina leeleel
Sandullayn ma yeeshoo
BUUHOODLE waa surin
Suugaaggu didiyee
Adoon CAYN u samafalin
Widhwidh saamigii qaaday
Sabo BOOCAMAA iyo
Meygaale solan yahay
Suuxshay reer KALSHAALII
Saldhig yahay HAGOOGANE
SAAXDHEER HA WEERARIN!
 
Seeto aan TALEEX mudan
Nin yaqaan safaad iyo
Sinniqsuu ka maagaa
Suuraafiddii shalay
Siqid baa labaysee
Care suul-dhabaalada
Saaxiib kumaa yidhi
“Siko oo ka soo joog
Saanaddaada dib u guro
Ha sumaynnin beel nabad
Talo saafiddeeddii
Sallaxyada u fuushee
Surinkaa ka soo noqo
Ha saloolan meeshii
Sayid Maxamed waa hore
Safka reer DARAAWIISH
Halgan ugu sinnaayeen
Ku sargoynayeen guluf!
 
Saldhiggii xoreyntiyo
Taariikhda sama-wade
Dumin maayo soodhkuye
Siilaanyo guutada
Sakaraad adoon badin
Dib u seexi wiil nool”
SAAXDHEER HA WEERARIN!
 
 
Garaad waa Saleebaan
Walaw looga sacab tumay
Xamartii silloonayd
Waa hanad so’daydiyo
Saamigayga koowaad
Uma quudho saymee
Waa guurti saaxiya
SAAXDHEER HA WEERARIN!
 
Garaad Jaamac waa saad
Sida soorta loo tebo
Sadrigaygu jecelaa
Samaa oo habboonaa
Summad weeye sharafeed
SAAXDHEER HA WEERARIN!
 
Waxan saarray jiiftaa
Sacabbada u tumayaa
Suuraynayaa milay
Saluug daawo loo helo
Ma saloolanaayee
Jeeroo Saleebaan
Kursigiisa siiyuu
Cirro saaxad taabtoo
KOORE loo sallaxo meel
Samaaluu hantida dhigo
FUAAD uu sadkii helo
Fagadhaa siraadee
Biixi uu sarkaal yahay
Cali yahay sarreeyaa
Sugi kara amniga keli
Xirsi laga sannaadh yahay
Sunuud dooni maysee
Deeqi ii sax weeyaan
SAAXDHEER HA WEERARIN!
 
Siciidow adaa geya
Nin siddeetan badiyee
Sannifkaaga qiil iyo
Sabab looma heli karo
Yuusuf saro maxkamaddaa
Sulaaqeeda uu wado
Fadal siidhi ii tumo
Shaqalluhu sirdoon yahay
C.I.D tol aan nahay
Sabab jeelka Xiirane
“La yidhaa adaa suga”
Suuree Ismaaciil
Cadde uu u xidhay soodh
SAAXDHEER HA WEERARIN!
 
 
Samihii Galaydhow
Cali Ciise sirinsirin
Mabda’ uga santaagow
Saddexdaad abuurteen
Subax raace Gaas oo
KARAASH suudalkii aad
Surinnada Garoowoo
INDHASHEEL saqiiryoo
BIINDHAA sunuud iyo
Sarrif quutay dhagaree
Samataliye Boorama
Ku sugnaa markaan idhi
Shanta saara duubkow
Ra’iiskii Suldaannimo
Cabdiqani u soocow
 
Sebigeenna Eebbuhu
Sool uu ku beeriyo
Saraar wiilasheedii
Sallaxley dirkeedii
Seylac doobabkeedii
Saaxil wiilasheedani
Sidig weeye aan hurin
Salaan iyo bariidee
 
Dhaaxaydun saaxiib
Siilaanyo wada jira
Sir wasiirka tebiyiyo
Siyaadkii ahaydeen
Niman suur afuufee
 
Isa-seegga maantuna
Suus yaanu noqonnine
Kala-saafitankani
Waa saabley dhimatiyo
Sarid dhiig ku daatee
Samad iyo Ilaah baan
Ku dhaarshay siinkee
Saqda toose maan garan
Sahankuu u jeedee
 
Adaa PHD sare
Sahay qaatay maantee
Salli waxa aan ku dhigi
Seeraha dhulkeennee
Cabdiweli ha suuxee
Seetee qabiiloo
Qaran sees hormoodow
 
Saddex iyo sagaalkii
JAWHAR way ku sugaysaa
Siddeed iyo tobnaad MEEY
Sawraceedu waa adi!
Haddeer SAMATAR waa madi
Safka goorta uu helo
Adigiyo sagaal kale
Siduu Daahir buu madax
Saac beerayaa khayr
Sallaan fuulayaa madax
QASRI suus ka tirayaa
 
Saleebaan ha naaxoo
Hawl guud sidalagtiyo
Sareenseer ha raystoo
Sandullena ha oriyee
Cadamina sifaa magac
Ha sameeyo taariikh
Dhul sanaag midaysoo
Biyo-siibitinkiyo
Markab wiilkay saareen
Shafka sawd ha dhaafshee
Saalax iigu sheeg nabad
Saado iiga gee khayr
Cabdow waan saldhigaynnaa
Saadaal-rumowday
Siinley iigu tahay kow
Waa saamax baaquye
Safxadaha kitaabkiyo
Ila dheehda suurado
 
SAMATALIYE KHAATUMO
Salka joojay hagistow
Haddii ay sinnaantiyo
UCID saydho waanada
WADDANINA sibaaq yahay
Hab sabbaaxaydan wada
KULMIYE-na sas uu qabo
Saddexda inaan rido
Intaan suunka qaataan
UDUB iyo XAQ-SOORTII
Sidkayaa darkii shalay
La sansaaro liicshee
Guddi sadar ku reebtoo
UDUBSOOR ma curinnaa?
 
SAMATALIYE KHAATUMO
Dhaaxuu Faysal siibtee
Xisbigii hannaan sugay
Haddii ay saluugaan
Surma-seegto dumiyaan
Dimuqraaddi soorii
Safka beretan kow-laba
Ku sal-guurshay beernimo
Haddii aan sareediyo
Lagu aamminayn sabo
Jamaal waa sitiinkii
Da’-na waa sokeeyaha
Sahan guusha curiyee
MADAXWEYNE loo sudhin
Sannad iyo bil dabadeed
Allaylehe nin suuraa
Kordhin saadinaayee
Somaliland-nimo
Su’aal baa ka joogtoo
Daljir suulin maynnee
UDUBSOOR ma curinnaa?
 
SAMATALIYE KHAATUMO
Sayloonku ii dadan
Sirna waan qarsanayaa
Ah saxaafaddiinnaa
Runta saynle sheegtee
Waa inoo samaan-dhalad
Wacad aan saxeexiyo
Kaga siimiyaan qarin
Sintiinnaan istaagnahay
Nin safaad-wado garo
In Samiic ku daawado
In Sarreeye marag yahay
Subxaan aanu dhimanayn
Qiyaamena sakalo yahay
Suurti ay dhawaan tahay
 
Siyaasow dhankaad tahay
Xasuuq waa sahaalee
Seefta qaata naartoo
Ha u tumin safxaduhuu
Nebi Maxamed saydhee
Khasraj iyo salkii Aws
Safarkii xabaalaha
Tiro-kooba ha saaqina!
 
Ninka saarka tumayee
Sheeknimada suuskaa
Jihaad aan sal iyo hoos
Taxriim sawraceed helin
Saddexdaba ku marayow
MAALIK iyo silsilladii
SUKHRUF maad halmaanteen? 
 
 
 
 
Abwaan Saeed Mohamoud Gahair