Shil Baabuur Oo Sababay Khasaare Nafadeed Oo Ka Dhacay Duleeddka Laasacaanoodd

Laasacaanood  (Berbera news) Saddex qof ayaa ku geeriyooday, toddoba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii baabuur ay saarnaayeen uu kula qalibmay Buundada Xargaga oo 08-km dhinaca waqooyi kaga aaddan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
 
Baabuurkan  oo ahaa nooca loo yaqaan Toyoto NOAH ayaa ka yimid Magaaladda  Hargeysa ka hor inta aanu ku dhicin duleedka magaalada Laascaanood, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la dhigay isbitaalka magaalada Laascaanood.
 
 
Mid ka mid ah Dadka Gaadiidka wata oo marayay wakhtigii shilku dhacayay ayaa sheegay inuu mar keliya arkay boodh ka kacay  meel aan ka fogean boholaha xargagga, kaddib muddo yar dabadeed, waxaanu tilmaamay inuu arkay Baabuur  baaba’ay iyo dad nool iyo kuwo geeriyoodday.
 
 
 
Shalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca duleedka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool sannadihii la soo dhaafay.
 
Berbera news/Hargeysa.