“Soo Xulidii Xubanaha Golaha Dhexe Waxa Gacanta Ku Haya Shir-guddoonka, Markay Dhameeyaana Waxay U Gudbin-doonan Hoganka Xibiga” Jaamac Shabeel

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) ayaa ka waramay halka uu marayso soo xulida Xubnaha Golaha Dhexe, waxaanu sheegay in Shirgudoonka Xisbigu ay wali gacanta ku hayaan, oo aan wali loo soo gudbin Hogaanka Xisbiga Kulmiye.
 
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) ayaa sheegay in Xuska 18-may ay wax weyn u tahay, qiima sarena u leedahay,Tusaalana u noqon doonto Odayaal Dhaqameedkii Somaliya,oo arki doono sida Shacabka Somaliland iskugu xidhan yihiin. Jaamac Shabeel oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi khaas ah siiyey ayaa Shacab weynaha reer Somaliland ku booriyey uguna baaqay in xuska munaasibada 18-may, fiiro gaar ah yeesheen, oo cid walba oo amaan daro qabtaan, oo Ciidamada Amaanka la soo socodsiiyaan, waxaanu hadalkiisi ugu horeyn ku bilaabay “Soo xulidii Xubanaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa gacanta ku haya Shir gudoonka Xisbiga, marka ay soo xulida soo dhameeyaana, waxa ay u gudbinayaan Hoggaanka Xisbiga, markaas ayaana si toos ah loogu dhawaaqi doona Xubanaha Golaha Dhexe ee Xisbiga oo dhameeystiran iyo Shirkooda, waxaanan ku rajo weynahay in sida ugu dhakhsaha badan u soo dhammadaan”.
 
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye isaga oo ka hadlay dareenkiisa ku waajahan xuska 18-may ayaa yidhi “Xuska 18-may, waa Maalin weyn, waa Maalin u baahan in si wada jir  ah loo xuso, waa Maalin qiimo iyo qadarin aan la soo koobi karin inooga baahan, waxaana Xuskani Markhaati cad u yahay Madax Dhaqameedkii ka yimid Somaliya, oo si toos ah u arkaya sida aynu u dabaal-degayno iyo sida aynu u muujin doono Midnimadeena iyo heerka aynu ka taagan ahay Somalia, waxaana marag ma doona ah in waxa ay Maalintaas arkaan ay kula noqon doonan Dalkooda Somalia, iyaga oo Dawladooda iyo Dadkoodaba u sheegi doona heerka ay ka taagan ahay iyo sida aynu wax u sameeysanay”.
 
Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxa aan kula talinaya inay fiiro gaar ah yeeshaan, oo ay aad u feejignadaan, aadna uga taxadiraan Cadawga ku soo gaban kara, oo cid alaala cidii ay ka shakiyaan waxa aan ka codsanaya inay qabtaan, ama sida ugu dhakhsaha badan ula soo socodsiiyaan Ciidanka Amaanka”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.