Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco Oo Wadda Mooshin Ka Dhan  Ah Maayarka Iyo Ku Xiggeenkiisa

Burco (Berbera news)  Mudanayaasha Golaha deegaanka Burco ayaa la sheegay inay wadaan mooshin Xilka lagaga qaadayo Duqam Degmada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad iyo ku xigeenkiisa Muxumed Xasan Jaamac (Xoday).
 
 Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Degmadda Burco ay maalimihii u dambeeyay lahaayeen Shir dooceeydo ay ku abaabulayaan Mooshin ay Xilka kaga ridayaan Hoggaanka  sare ee Golaha Deegaanka Burco, waxaanay tibaa-xuhu intaas ku darayaan in ay jiraan Mudanayaal kale oo ka soo hor-jeedda mooshinkaasi ka dhanka ah Maayarka iyo ku xigeenkiisa.
 
Xildhibaanada Golaha deegaanka Burco dhex-doodda ayaa waxa ka jira loolan loogu jiro cidii badali lahayd Duqa iyo ku xigeenkiisa , waxaana soo baxay Musharixiin u tar-tamaya jagooyinkaasi, balse aanay soo shaac-bixin Magacyadda Xildhibaanadda u taagan jagooyinkaasi.
 
Berbera news/Hargeysa.