Goboladda Iyo Degmooyinka Somaliland Oo Si Balaadhan Looga Xusay Xuska Sanad-guuradda 23-aad  Ee 18 May + Sawiro

Hargeysa (Berbera news) Waxa manta Goboladda iyo Degmooyinka si balaadhan looga xusay 23-guuradda dib ula soo noqoshadda madaxbabaanidda Somaliland ee 18n May.
 
Wararka laga helayo Gobolada iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland, ayaa saaka looga dareeray Munaasibaddan, waxana ay shacabku muujiyeen farxadda ku aaddan maalinta agtooda qiimaha ku leh.

Magooyinka Burco, Borama, Berbera, Lascanod, Ceerigaabo, Gabiley, Saylac iyo dhammaanba Degmooyinka kala duwan ee Somaliland ayaa xuskan laga abaabulay, iyadoo shacabka   gebi ahaanba ay ka muuqatay farxadda iyo ran-raynta Maalintani.

Nabadgelyada ayaa si weyn loo adkeeyey, walina lama soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacday ama lagu arkay Goobaha  shacabku ku damaashaadayey.

Madaxda kala duwan ee Gobolada iyo xubno ka tirsan xukuumadda oo Deegamadaas u baxay, ayaa shacabka kala qayb galay farxadda Maalintan, iyadoo  ay halkaas uga jeediyeen Khubado ka turjumaya dhibaatadii loo soo maray xoriyaddan maanta lagu naaloonayo.
 
Dhinaca kale Qurba-jooga Somaliland ee dunidda daafaheedda ku dhaqan ayaa iyaggu-na si balaadhan u xusi-doona Munaasibaddan 18 may.
 


 
Berbera news/Hargeysa.