“Musharaxa Koowaad Ee Dalku Leeyahay Waa Madaxweyne  Siilaanyo, Muuse-Biixina….” Wasiir Cukuse

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa mar kale ku celiyay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu yahay Musharaxa  Mmadaxtinimadda Xisbiga KULMIYE.
 
 
Wasii Cukuse oo Galabta Warysi siiyay Idaacadda VOA laanteedda Afka-Soomaaliga, isaga oo ku sugan Dalka Ingiriiska, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi uu xaq u leeyahay inuu la tar-tamo Madaxweyne Siilaanyo.
 
“Musharaxa koowaad ee Dalku leeyahay waa Madaxweyne  Siilaanyo, maadaama oo isagu yahay Madaxweynaha hadda taladda gacanta ku haya, Sharciguna u saamaxayo inuu mar labaad isku soo taago. Maantana Musharaxnimaddiisa Dalka iyo Dadka ayaa u baahan”
 
“Muuse Biixi (Guddoomiyaha Xisbiag KULMIUYE) inuu la tar-tamo Madaxweyne Silaanyo xaq-buu u leeyahay, Dimuquraadiyadana waxa tilmaamaya Shuruucdda Dalkeena”
 
Wasiir Cuksue ayaa hore u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu mar labaad u taagan-yahay Madaxtinimadda Somaliland, taas oo uu ku sababeeyay in uu Shacabka Somaliland Kalsooni ka haysto.
 
 
 
Berbera news./Hargeysa.