“Somalia Waxaan Leeyahay Reer Dan-buu U Guuraa, Idiin-ma Soo-socono Duco-Qabayaal” Madaxweyne Siilaanyo

 Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Siilaanyo ayaa sheegay in Shacabka Somaliland aanay diyaar u ahayn inay mar kale Somaliya ka wadda-hadlaan Midnmaddii Soomaaliweyn.
 
Madaxweyne Siilaanyo oo maant khubad ka jeediyay Xuska sanad  guuradda 23-aad 18 May ee dib ula soo noqoshaddii Madaxbabaanidii Somaliland.
 
Waxaana hadaladii Madaxweynaha ka mid ahaa “Walaalahayo Somaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada. Walaalayaal, awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaas ku daray, “Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somalilandiyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada somaaliyeed u horseedi karta in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa  dawladihii  sida hagar la’aanta ah  gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi,  haatanna diyaarka  u ah  inay sii wadaan  dedaalkaas”
                   
 
Berbera news/Hargeysa.