Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Iftiimiyey Abaalgud Muuse Biixi Heli Doono Hadduu u Tannaasulo Siilaanyo

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa  Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu murrashaxnimada xisbiga dhexdiisa uga tannaasulo madaxweyne Siilaanyo.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sidoo kale sheegay in haddii Muuse Biixi u tanaasulo madaxweynaha ay 10-ka sanno ee dambe xoog iyo cod abaalgud uga dhigi doonaan si Guddoomiyaha KULMIYE u noqdo madaxweyne.

Sul-Maxamed Sul. Cabdiqaadir

“Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo waxay ahaayeen raggii bilaabay halgankan, ummadduna heerkaa ay maanta mareyso raggii soo gaadhsiiyey iyo rag kale oo ka maqan ayaa jira, waxaan leenahay taladaa dhulka ha la dhigo oo xal nabadeed ha loo eego, isu-tanaasul ha la sameeyo, reer hebel ayaad tahee ha ka tanaasulin ma taalo. Waayo, ninka maanta reer hebel ku baanaya, reer hebelnimadu waa tii aynu ka gudubnay ee aynu qaranimada u gudubnay.

Xisbgaas KULMIYE wuu is-daba qabateyn karaa oo wada-tashi ayuu sameyn karaa oo way isku iman karaan, maadama uu Madaxweyne Siilaanayo leeyahay tartanka waan fadhiyaa, dastuurka xisbiguna uu xaq siinayo inuu guddoomiyaha xisbiguna  tartanka ka qeybgalo, anigu waxaan odhan lahaa laba nin oo isku da’ ah ma tihin, markii xisbigan KULMIYE la aasaayeyna, waxa madax ka ahaa  Axmed Siilaanyo, maalintii uu qabtay jagada madaxweynanimada-na tanaasul ayuu  u sameeyey Muuse Biixi, waxaannu kadhigay Guddoomiyaha xisbiga. Mar haddii uu Afhayeenkii xukuumadu-ba ku dhawaaqay inuu Madaxweynuhu tartamayo, waxaan leeyahay Muuse Biixi, 10-ka sanno ee ka dambeeya khasab iyo cuddud ayaanu kugu dooran doonaye maanta adiga ayey talladu ku taagan tahaye inay qaranimadii Somaliland dunto iyo inay hore u socoto, labadaasiba adiga ayey ku taagan yihiin. Inta lagaa doonayaana waxa weeye in aad u tanaasusho madaxweyne Siilaanyo. Taladana waxaad la leedahay ninka aad isku mabda’a tihiin, ciddii aad isku mabda’a ahaydeen la tasho, Ilaahay khayr ha ku siiye ee yaanu hadalkaygaasi ku dhibin, kursigana berri iyo saadanbeba waad fuuli kartaa ee bad-baado qaran ayaa lagaa sugayaa, maadama aad adiga iyo saaxibkaa (Axmed Siilaanyo) aad laba murrashax noqoteen, Axmed-Siilaanyo wuu ka weyn yahay ee isaga la tasho, adiga oo aan cid kaleba la hadlin,”  ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo waraysi siiyey shabakada wararka ee hayaannews.com.

Waxa kale oo suldaanku ku taliyey in laga shaqeeyo sidii burbur looga ilaalin lahaa xisbiga tallada haya ee KULMIYE,  waxaannu yidhi;  “Maadaama uu xisbul-xaakimka KULMIYE burbur ku soo socdo, inaanu noqon khilaafkii uu xisbigii UDUB uu ku baabay, tusaale ahaan berigii hore ee ay dadku cawaanka ahaayeen marka uu waalidku gaboobo ayaa waxa soo kaxayn jiray innankiisa oo inta uu soo is-taajiyo gebi dheer, ayaa marka uu waalidku ku yidhaahdo “Waar aabo xageed igu waddaa, markaasi ku yidhaahda gebigaad awoowgay ka tuurtey ayaan aniguna maanta adiga kaa tuurayaa.’ Markaa  UDUB gebigaa ay taagnayd waxa ka tuuray KULMIYE, in xisbigii KULMIYE inta gacanta la soo qabto la yidhaahdo waxaannu idinka tuuraynaa iyada oo ay muddadiisi sannado u hadhsan tahay, waxaan leeyahay horta yeynaan gebiga ka tuurine xisbigu waa xisbi qaran, mid doorashaddii ka soo horjeeday, mid la jireyba iyo mid aan cidnaba u coddeyn. Waa xisbiga maanta talada waddanka xukuma, burburkiisuna waa qaran jabka reer Somaliland ee maanta, qofkasta oo xil ka haya ama ku jira xisbigaas waa mabda’a ee qabiil maaha.

Ummaddi waxay ku dhisan tahay sida ay u ilaashato ee ay u xaq dhowrto had iyo jeer xisbul-xaakimka.  Axsaabta mucaaridka ah waxaan leeyahay haddii uu maanta KULMIYE burburo, idinkuna jirimaysaan oo reero ayaa loo kala bixi, oo qabiil qabiil ayaa loo kala bixi, oo waxaynu iskula soo noqon doonaa qudhunkii iyo qabyaaladeenni, taasna meelna ku gaadhi mayno, markaa waxaan leeyahay kii mucaaarid ahina tallo wanaagan ha ka dhiibto, kii muxaafid ahina tallo wanaagsan ha ka dhiibto,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Surces, Jamhuuriya